HomeCaalamkaWasiirkii Arrimaha Dibedda Iiraan oo is Casilay iyo warar sheegaya in weli…

Wasiirkii Arrimaha Dibedda Iiraan oo is Casilay iyo warar sheegaya in weli…

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Iiraan, Maxamed Jafaad Zariif ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigtay Barta Bulshadda ee INSTAGARAM. Faahfaahin kama uusan bixinin sababaha uu isku casilay, wuxuuna u mahad celiyey Qaranka Iiraan iyo Saraakiisha. Wakaalladda Wararka Dowladda Iiraan ee IRNA waxay sheegtay inuu Afhayeen Cabaas Musaafi […]

- Advertisement -

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Iiraan, Maxamed Jafaad Zariif ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigtay Barta Bulshadda ee INSTAGARAM.

Faahfaahin kama uusan bixinin sababaha uu isku casilay, wuxuuna u mahad celiyey Qaranka Iiraan iyo Saraakiisha.

- Advertisement -

Wakaalladda Wararka Dowladda Iiraan ee IRNA waxay sheegtay inuu Afhayeen Cabaas Musaafi xaqiijiyey inuu is-casilay Wasiirkaasi oo xilka hayey tan iyo bishii August ee sannadkii 2013-kii.

Madaxweyne Xasan Ruuxaani ayaa la sheegay inuusan weli aqbalin Is-casilaadaasi.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Syria, Bashaar Xaafid Al-asad ayaa waxa uu booqasho mar-la-arag ah ku tegay caasimadda dalka Iiraan ee Tehraan, wuxuuna la kulmay dhigiisa dalkaasi, Xasan Ruuxaani iyo Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Aayatullaahi Cali Khamanii.

- Advertisement -

Waa booqashadii 1-aad ee uu Madaxweynaha Syria ku tago Iiraan, tan iyo markii ay dagaalladda sokeeye ka bilowdeen dalka Syria bishii Maarso ee sannadkii 2011-kii.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories