HomeWararMuwaadin Soomaali oo xabsi ku muteystay Dil iyo dhaawac uu geystay

Muwaadin Soomaali oo xabsi ku muteystay Dil iyo dhaawac uu geystay

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Dareewal Soomaali oo lagu magacaabo Maxamed-deeq Saciid Diiriye, balse loo yaqaano Maxamed Diiriye ayaa la soo taagay Maxkamad ku talla gobalka Minesotta ee dalka Mareykanka, isagoo lagu soo oogay geerida qof ka mid ah rakaabkii la socday Taksigiisa, iyo mid kale oo dhaawacmay.

Eedeysanaha oo ahaa  Dareewal Taksi, ayaa la sheegay inuu shil galay bishii bishii Janaayo 19-dii ee sannadkii 2017-kii,  waxaana dhacdadaasi ku geeriyooday Nin Maraykan oo la oran jirey Shawn Koltiska, halka nin kale oo lagu magacaabo Joosef Foster uu soo garaay dhaawac dhinaca dhabarka oo uu haatan ka soo kabanayo.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Boliska gacanta ku hayey Baaritaanka Kiiskan waxay Maxkamadda u soo gudbiyeen inuu Eedeysanuhu sarqaansanaa, xilligii u ushilku galayey, balse, Qoyskiisa iyo Jaalliyadda Soomaalida wey beeniyeen inuu sarqaansanaa.

Si kastaba ha ahaatee, Garsoorihii Maxkamadda waxa uu Maxamed Diiriye oo 31-jir ku xukumay xabsi 17-sanno ah iyo inuu bixiyo 150,000 oo Dollar oo dib loogu celinayo Qoyska Ninkii ku geeriyooday shilkaasi oo la oran jirey Shawn Koltiska.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories