HomeWararMareykanka Muxuu ka yiri Duqeyn uu ka fuliyay Gobolka Hiiraan?

Mareykanka Muxuu ka yiri Duqeyn uu ka fuliyay Gobolka Hiiraan?

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Hadal-qoraal oo ay Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM soo saareen waxay ku sheegteen inay 35 Dagaalamayaal Al-shabaab ku dileen duqeyn Diyaaradeed oo ay bishan 24-dii ka fuliyeen Deegaan 20 mayl dhanka bari kaga toosan magaalladda Beled-weyne ee Gobalka Hiiraan. AFRICOM waxay sheegtay in Duqeyntaasi qeyb ka ahayd dadaalka lagu taageerayo Ciiddanka […]

- Advertisement -

Hadal-qoraal oo ay Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM soo saareen waxay ku sheegteen inay 35 Dagaalamayaal Al-shabaab ku dileen duqeyn Diyaaradeed oo ay bishan 24-dii ka fuliyeen Deegaan 20 mayl dhanka bari kaga toosan magaalladda Beled-weyne ee Gobalka Hiiraan.

AFRICOM waxay sheegtay in Duqeyntaasi qeyb ka ahayd dadaalka lagu taageerayo Ciiddanka DFS ee beegsanayo Alshabaab iyo in lagu yareynayo Awoodda ay ku leeyihiin Gobalka Hiiraan, waa sida hadalka loo dhigay.

- Advertisement -

Qoraalka AFRICOM waxaa kaloo lagu xusay in Duqeynta lala beegsaday Dagaalamayaal hubeysan oo ka tirsan Alshabaab oo isaga gudbayey deegaano ku yaallo dhulka Miyiga, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale, Agaasimaha Hawlgalladda ee Taliska AFRICOM, Jeneraal Gareeg Olson oo soo saaray Qoraalkaasi waxa uu sheegay inay si iwadi doonaan Taageeradda ay siiyaan Soomalaida ay wada-shaqeynta leeyihiin, gaar ahaan marka uu Hawlgalkooda nooga baahan yhaay inay ka qeyb galnoLa-dagaalanka Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee,  Taliska AFRICOM waxay kaloo tilmaameen in Duqeynta cirka ee ay bishan 24-dii  ka fuliyeen duleedka magaalladda Beled-weyne uu yimid hal bil kadib, markii ay duqeyn ku dileen ugu yaraan 24 Dagaalamayaal Alshabaab oo lagu dilay Tuulladda Shebeeleey ee Gobalak Hiiraan, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories