HomeWararDuqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday Gobolka Hiiraan

Duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday Gobolka Hiiraan

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in xalay saqdii dhexe diyaarado dagaal ay duqeyn ka fuliyeen deegaan ka tirsan Gobolkaasi. Duqeynta ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Orod oo ku yaalla inta u dhexeeysa degmada Maxaas iyo Baladweyne,waxaana deegaanka ku sugan dagaalamayaasha Al-shabaab oo Saldhigyo ku […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in xalay saqdii dhexe diyaarado dagaal ay duqeyn ka fuliyeen deegaan ka tirsan Gobolkaasi.

Duqeynta ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Orod oo ku yaalla inta u dhexeeysa degmada Maxaas iyo Baladweyne,waxaana deegaanka ku sugan dagaalamayaasha Al-shabaab oo Saldhigyo ku leh sida la sheegay.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay ay maqlayeen jug culus oo ku dhaceysa goobo Al-shabaab ay leeyihiin,sidoo kalena ay arkayeen qiiq iyo uuro hawada isku shareertay.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay in ay soo wajahday Cabsi xoogan,kadib markii diyaarado dagaal oo joog hoos ku socda ay ku soo dhawaadeen deegaanka Orod oo ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalada Baladweyne iyo degmada maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Warar aan heleyno ayaa tilmaamaya in Khasaaro uu ka dhashay duqeyntaasi,balse aan si dhab ah loo xaqiijin karin,Maadaama deegaanka uu yahay dhul howd ah iyo Buuraley oo dadka ay ku yaryihiin.

- Advertisement -

Diyaaradaha dagaalka aan duuliyaha laheyn ee ay leedahay dowlada Mareykanka ayaa dhowr jeer oo horey duqeymo kala duwan ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan,iyagoona habeen kahor sheegay in Afar duqeymood ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories