HomeMaqalDhageyso:-Taariikhda Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo lagu dilay Muqdisho

Dhageyso:-Taariikhda Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo lagu dilay Muqdisho

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Gelinkii dambe ee galabta ayaa Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado waxa ay gudaha degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ay ku dileen Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Boqore waxaa uu ku dhashay Dalka Jabuuti,waxaana xiligii gobanimo doonkii uu ka mid ahaa dadkii  Faransiiska ay ka soo masaafuriyeen dalkaasi ee la keenay Magaalada Muqdisho,isagoo xiligaas noqday Ciidan  kuna  gaaray Darajada Korneel.

- Advertisement -

Waxaa uu kamid ahaa Xildhibaanadii ugu horeeyay ee dowladii Carta laga soo doortay,wuxuu noqday Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Gobolaha Shacabka markii uu Cabdullaahi Yuusuf Axmed dalka ka noqday Madaxweyne.

Allaha u Naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa ahaa haatan Ninka ugu da’da weynaa Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka,waxaana deegaan Doorashadiisa ay tahay Gobolka Awdal ee Soomaaliland.

Sidoo kale Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre waxa uu ka tirsanaa Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, horena waxa uu u soo qabtay xilka Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka.

- Advertisement -

Xildhibaan Seynab Caamir oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan Dalka Jabuuti ayaa Caawa Idaacadda Dalsan uga hadashay Taariikhda Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre.

Hoos ka Dhageyso Codka Xildhibaan Seynab Caamir.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories