HomeWararSawirro:-Madaxweynaha Somaliland oo u ambabaxay dalka Itoobiya

Sawirro:-Madaxweynaha Somaliland oo u ambabaxay dalka Itoobiya

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta  booqasho rasmi ah ugu ambo baxay dalka Itoobiya, kaddib markii ay marti-qaad rasmi ah ka heleen ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa inta uu safarkiisa ku gudo jiro waxa uu kulamo la yeelan doonaa Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed iyo xubno kamid ah dawladdiisa, waxana  ujeeddooyinka kulamadaas faah-faahin ka siiyey saxaafadda wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

- Advertisement -

“Madaxweynuhu waxa uu casuumad rasmi ah ka helay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, waxana ay isaga iyo weftiga uu hoggaaminayaa u tegayaan inay ka wada-hadlaan danaha iyo xiriirka ka dhexeeya Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayey ujeedada safarkoodu ku kooban tahay kulanka Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo xubnaha kale ee xukuumaddiisa ka tirsan ay la yeelan-doonaan, mana jirto masuuliyiin dalal kale oo Madaxweynaha u qorshaysan inuu kula kulmo Dalka Itoobiya.

Xubnaha weftiga ah ee Madaxweynaha ku wehelinaya booqashada rasmiga ah ee uu dalka Itoobiya ku tegay, ayaa waxa ka mid ah wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha dibadda, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faro-toon, arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).

- Advertisement -

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories