HomeWararMuwaadin Somali oo dacwad ka gudbiyey Safaarad ku taalla London oo...

Muwaadin Somali oo dacwad ka gudbiyey Safaarad ku taalla London oo ku xadgudubtay…

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Wiil uu dhalay Muwaadin Somali-British oo muddo 20-sanno ah shaqaale ka ahaa Safaaradda Dowladda Qatar ayaa doonayaa in qoyskiisa lagu taageero Dhaqaale, si ay u sii wadaan Dacwadda ka dhanka ah Safaaradda Qatar.

Wiilka Aabihiisa oo lagu magacaabo Maxamuud Axmed oo 79-jir ah waxa Safaaradda Qatar ee u shaqeynayey muddo 20-sano laga ruqseeyey sannadkii 2015-kii.

- Advertisement -

Maxamuud Axmed oo ah Muwaadin British ah waxa uu ku eedeeyey in Madaxii Waaxda Daaweynta ee Safaaradda Qatar ee xilligaasi oo lagu magacaabo C/llaahi Al-ansaari, kaasi oo uu sheegay  inuu isaga ugu yeeri jirey Dameeryahow iyo Eeyahow iyo inuu ugu yaraan 2 jeer soo weeraray.

Dacwadda Dhibanahaasi ayaa la sheegay inay Maxkamaduhu ka gaabsadee, sababo la xiriira Xasaanadda Diplomaasiyiinta iyo Shuruucda Xiriirka Caalamka awgiis.

Dhibane Maxamuud Axmed oo in ka badan ku noolaa dalka Britain ayaa sheegay in bishii August ee sannadkii 2013-kii uu Diplomaasiga ka tirsan Safaaradda Qatar  ugu yeeray Dameer, Eey iyo Addoonkii Madoobaa, isla markaana markii uu Aflagaadaaasi ka dacwoodayna laga ruqseeyey Safaaradda Qatar ee uu shaqaalaha ka ahaa.

- Advertisement -

Warbaahinta dalka Britain iyo Caalamka ayaa qoray in Qoyska Maxamuud Axmed ay weli sugayaan haddii Maxkamad ku taalla gudaha dalka Britain qaadi doonaan Kisikaasi.

Ugu dambeyntii, Sarkaalka ka tirsan Safaaradda Qatar ee magaalladda London ee lagu magacaabo C/llaahi Al-ansaari oo lala xiriiray waxa uu ku gaabsaday inuu beeninayo Eedeyntaasi.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories