HomeWararWasiirkii hore ee A/Dibadda Kenya oo soo bandhigay Xog cusub oo la...

Wasiirkii hore ee A/Dibadda Kenya oo soo bandhigay Xog cusub oo la xiriirta Muran Xuduud-baddeedka labada Dal

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Mosees Wetangula oo ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, ayaa sheegay inay Dowladaha Somalia iyo Kenya kala saxiixdeen Heshiiskaasi xilligii  Dowladdii Madaxweyne Mawaay Kibaaki, waa sida uu hadalka u dhigay. Mosees Wetangula oo hadalkaasi ka jeediyey  Xarunta Dhexe ee Xisbiga FORD ee magaalladda Nairobi ma uusan sheegin Sannadka saxda ee Heshiiskaasi qalinka […]

- Advertisement -

Mosees Wetangula oo ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, ayaa sheegay inay Dowladaha Somalia iyo Kenya kala saxiixdeen Heshiiskaasi xilligii  Dowladdii Madaxweyne Mawaay Kibaaki, waa sida uu hadalka u dhigay.

Mosees Wetangula oo hadalkaasi ka jeediyey  Xarunta Dhexe ee Xisbiga FORD ee magaalladda Nairobi ma uusan sheegin Sannadka saxda ee Heshiiskaasi qalinka lagu duugay, inkastoo uu  isagu Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ahaa Kenya muddadii u dhexeysay sannadihii 2008-dii ilaa 2010-kii iyo mar labaad oo loo doortay xilkaasi sannadihii 2011-kii ilaa 2012-kii.

- Advertisement -

“Ka Wasiir ahaan, waxaan Wada-xaajood la galay Dowladdii Somalia ee xilligaasi, waxaana wada saxiixanay Heshiiska lagu calaameeyey xuduud-baddeedka” ayuu yiri Mosees Wetangula.

Waxa uu intaasi ku daray inay Nuqulka Heshiiskaasi iyo Khariidda Badda ee la isla gartay u gudbiyeen Midowga Afrika iyo QM, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Mosees Wetangula waxa uu Dowladda Kenya u sheegay inay Kenya leedahay xuduud-baddeedka ay Somalia qabsatay, wuxuuna intaasi ku daray in Kenya looga baahan yahay inay la xiriirto Saaxiibadeeda si ay ugu muujiyaan Dhaqdhaqaaqa Joogitaanka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories