HomeWararSomalia oo kamid noqotay dalalka Colaadaha ka socdan ay Caruurta badan ku...

Somalia oo kamid noqotay dalalka Colaadaha ka socdan ay Caruurta badan ku geeriyooto

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Warbixin ay Hay’adda Daryeelka Carruurta “Save the Children” ee dalka Britain soo saartay waxay ku sheegtay in ka badan 500,000 oo carruur ah laga yaabee inay ku geeriyoodeen Colaadihi ika dhacay Calaamka 5-tii sanno ee la soo dhaafay. Celceliska Tiradaasi carruurta ku geeriyootay colaadaha Goballadda Caalamka waxay ka badan tahay 100,000 ama inay maalin kasta […]

- Advertisement -

Warbixin ay Hay’adda Daryeelka Carruurta “Save the Children” ee dalka Britain soo saartay waxay ku sheegtay in ka badan 500,000 oo carruur ah laga yaabee inay ku geeriyoodeen Colaadihi ika dhacay Calaamka 5-tii sanno ee la soo dhaafay.

Celceliska Tiradaasi carruurta ku geeriyootay colaadaha Goballadda Caalamka waxay ka badan tahay 100,000 ama inay maalin kasta 300 carruur ah ku geeriyoodaan dalalka ay colaadaha ka socdaan.

- Advertisement -

Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay in ugu yaraan 500,000  carruur da’dooda ka hooseyso hal sanno ku geeriyoodaan  colaadaha ka socda 10-ka waddan ee ay colaadaha halakeeyeen muddadii u dhexeysay 2013-kii ilaa 2017-kii

Warbixinta Hay’adda Daryeelka Carruurta “Save the Children” ee dalka Britain waxaa lagu sheegay in Liiska dalalka ay carruurta ugu badan ku geeriyoodeen colaadihii dhacay sannadkii 2017-kii kala yihiin: Afganistan, Yemen, South Sudan, Afrikada Dhexe, Kongada Dimuqraadiga, Syria, Iraq, Mali, Nigeria iyo Somalia.

Balse, Warbixinta laguma xusin tirade carruurta sida tooska ah loogu dilay dagaalladda ka dhacay dalalkaasi.

- Advertisement -

Save The Children waxay sheegtay in titooyinkaasi ku jiraan carruurta iyo ilmaha yar ee laga yaabo inay u geeriyoodeen dhibaatooyinak ka soo gaaray dagaalladaasi, sida Macluul, cudduro dillaacay, burbur loo geystay Isbitaalladda ama dib-u-dhac ku yimaad gargaarka la soo diray.

Warbixinta waxaa lagu muujiyey in  geerida carruurta sare u kacday ilaa 870,000 oo carruur, kuwaasi oo dhamaantooda ay ku jireen carruur ay da’dooda ka hooseysay 5 jir.

Dhinaca kale, Warbixinta Hay’adda Daryeelka Carruurta “Save the Children” ee dalka Britain waxay qiyaastay in ku-dhawaad 175,000 oo Dagaalyahano ama Askar lagu dilay colaadihii dhacay sannadihii 2013-kii ilaa 2017-kii.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories