HomeWararShirkadda Spectrum Geo Limited oo beenisay sheegashadda Kenya ee Lahaanshaha xuduud-baddeedka ...

Shirkadda Spectrum Geo Limited oo beenisay sheegashadda Kenya ee Lahaanshaha xuduud-baddeedka Somalia

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Shirkadda Caalamiga ee Spectrum Geo Limited ee fulisay Hawlaha sahminta Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga ee  dhex ceegaaga Badda Somalia waxay markii ugu horreysay ka hadashay Tallaabadda ay dowladda Kenya ku sheegatay inay iyagu leeyihiin Xuduud-baddeedka Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga ee Somalia ee lagu soo bandhigay Shirkii Shidaalka Somalia ee bishan 7-dii ka dhacay magaalladda London. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Shirkadda Caalamiga ee Spectrum Geo Limited ee fulisay Hawlaha sahminta Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga ee  dhex ceegaaga Badda Somalia waxay markii ugu horreysay ka hadashay Tallaabadda ay dowladda Kenya ku sheegatay inay iyagu leeyihiin Xuduud-baddeedka Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga ee Somalia ee lagu soo bandhigay Shirkii Shidaalka Somalia ee bishan 7-dii ka dhacay magaalladda London.

War-saxaafadeed uu Ku-xigeenka Guddoomiyaha Fulinta Shirkadaasi ugu qaabilsan Dalalka Afrika, Bariga Dhexe iyo kuwa kaabiga ku haya Badda Meditareeniyaanka, Garaham Mayhow u soo diray Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Xukuumadda Federalka ayuu ku sheegay in Shirkii ka dhacay Hoteelka Charidge ee magaalladda London ahaa Shir lagu xayeysiinayey, laguna iib geynayey Shidaalka Somalia ee uusan ahayn Shir lagu xaraashayey Xirmooyin ka mid ah Xuduudka Baddeedka dalka Kenya.

- Advertisement -

Waxa uu hoosta ka xariiqay in Khariidada lagu soo bandhigay Shirkii London ahaa Xuduud-baddeedka Somalia leedahay, oo uusan ahayn Xuduud-baddeedka ay Somalia iyo Kenya ku murunsan yihiin ee ay Dacwadiisa taallo Maxkmaadda Caalamiga ee ICJ ee ku taalla magaalladda The Hague ee dalka Holland.

War Saxaafadeedka Shirkadda Spectrum Geo Limited oo nuqulkiisa soo gaaray Warbaahinta Dalsan Media Group ayaa waxaa ku lifaaqnaa Khariidada Xuduud-baddeedka Somalia ee ay Shirkaddu sahminta ku samaysay, oo ku fadhiya masaafo dhan 20.185 KM, isla markaana ku teedsan Xeebaha Koonfureed ee Puntland ilaa Waqooyiga sohdinta Xuduudeed ee dalka Kenya.

Shirkaddu waxay kaloo sheegay inay Iskaashi Wada-shaqeyn la saxiixdeen Dowladdii Federalka Somalia bishii September ee sannadkii 2015-kii.

- Advertisement -

Qoraalka  Shirkadda Caalamiga ee Spectrum Geo Limited waxa uu meesha ka saaraysaa  sheegashadii Dowladda Kenya iyo in Beesha Caalamka loo soo bandhigo Xaqiiqda rasmiga ee Khariidada ku asteysan Xirmooyinka Xuduud-baddeedkaasi ayasan qeyb ka ahayn xuduud-baddeedka ay dacwadda ka taallo Maxkmaadda Caalamiga ee ICJ.

Si kastabaha ha ahaatee, Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay Somalia u aragto dal caddow ku ah, waaxayna ugu baaqday inay DFS dib uga laabtaan

Khariidada Xuduud-baddeedka lagu soo bandhigay Shirkii London iyo waxa ay ugu yeertay  Xaraashkii Xirmooyinka Shidaalka iyo Gaaska ee laga iibiyey Shirkado Reer Galbeed ah.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts