HomeMaqalDhageyso:-Ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo ka hadlay dhibaatooyinka ku heysta dalkaas

Dhageyso:-Ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo ka hadlay dhibaatooyinka ku heysta dalkaas

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay walaac xoogan ka muujiyeen dilalka loo geysano dadka Soomaalida ah ee ku ganacsata dalkaasi Sidoo kale waxa ay sheegeen in ganacsatada gudaha wadanka Koonfur Afrika sanadkan gudihiisa dilal loogu geystay dhowr qof oo Soomaaliya,isla markaana ganasiyo ku lahaa dalkaasi. Nuur Inji  oo ah Ganacsade Soomaaliyeed […]

- Advertisement -

Ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay walaac xoogan ka muujiyeen dilalka loo geysano dadka Soomaalida ah ee ku ganacsata dalkaasi

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ganacsatada gudaha wadanka Koonfur Afrika sanadkan gudihiisa dilal loogu geystay dhowr qof oo Soomaaliya,isla markaana ganasiyo ku lahaa dalkaasi.

- Advertisement -

Nuur Inji  oo ah Ganacsade Soomaaliyeed oo kunool dalka Koonfur Afrika oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa u sheegay in ay walaac xoogan ay qabaan dilalka ku soo batay Koonfur Afrika,isla markaana waxa uu sheegay in Sanadkan gudihiisa dalkaasi lagu dilay 7 qof oo Soomaali ah kana mid ahaa Ganactada sida weyn looga yaqaanay gudaha Koonfur Afrika.

Sidoo kale Nuur Inji ayaa tilmaamay in dilalkaasi loo geysto dadka Soomaali ah aysan jiran cid hadasha  oo iska xil-saartay,iyadoo markii uu dil dhaco goobta ay tagaan oo kaliya Ciidamada Booliska Koonfur Afrika,kuwaasi oo sameeya baaritaano aan wax natiijo ka soo bixin.

Magaalooyinka kala duwan ee ku yaalla Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan lagu dilayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee halkaasi ganacsiga ku leh,iyadoona mudooyinkii dambe halkaasi ay ka dhaceyn dilalka loo geysanayo dadka Soomaalida ah

- Advertisement -

 

Hoos ka Dhageyso Codka Nuur Inji .

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories