HomeWararBaarlamaanka Kenya oo u yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas

Baarlamaanka Kenya oo u yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Moniko Juma ayaa la filayaa inay maanta hor-tagto Barlamaanka dalkaasi, si ay Xildhibaanadda wax uga weydiiyaan Khilaafka Somalia iyo Kenya iyo waxa sababay in loo yeero Safiirka  Kenya u joogay  dalka Somalia, Lukas Tumbo.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Xiriirka Dibedda ee Barlamaanka dalka Kenya, Katoo Metito ayaa sheegay inay doonayaan inay ogaadaan xaalladaha sababay in loo yeero danjiraha Kenya u joogay Somalia.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Guddigaasi oo la hadlay Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi, waxa uu tilmaamay inay Xildhibaanadda doonayaan si ay u helaan  faahfaahinta waxa dhacay iyo halka looga socon doono.

Kulanka maanta loogu yeeray Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Moniko Juma ayaa la sheegay inuu ahaa mid qorsheysan oo looga wada xaajoonayo Qoraalka Miisaaniyadda Siyaasadda ee dalkaasi, balse Guddoomiyaha Guddiga iyo Xiriirka Dibedda ee Barlamaanka dalka Kenya, Katoo Metito waxa uu xusay inay haystaan xilli kayd ah oo ay Wasiiradda kala hadli doonaa Danaha Dadweynaha.

Sabtii hore ayey ahayd, markii uu Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenye, Majariya Kamaa’u soo saaray Hadal-qoraal oo lagu sheegay inay dowladda Kenya u yeeratay Danjirihii u joogay Somalia iyo in Danjirihii Somalia u joogay Nairobi lagu amray in dib ugu laabto dalkiisa hooyo.

- Advertisement -

Dowladda Kenya waxay tallaabadaasi ku sheegtay inay kaga soo horjeedaan go’aankii ay DFS ku xaraashtay Xirmooyin ka mid ah Shidaalka iyo Gaaska ku jira xuduud-baddeedka ay Kenya leedahay, waa sida ay Kenya ku dooday.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories