HomeWararSiyaasi Kenyan oo sheegay in Khilaafka Somalia iyo Kenya uu dhibaatooyin u...

Siyaasi Kenyan oo sheegay in Khilaafka Somalia iyo Kenya uu dhibaatooyin u horseedi karo dalkaas

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Hoggaamiyaha Xisbiga Amani National Congress ee dalka Kenya, Musaliya Mudafadi ahna Xubin muhiim ah oo ka tirsan Isbahaysiga Sare ee NASA ee dalkaasi waxa uu sheegay in Khilaafka Somalia iyo Kenya ee Xuduudka Badda uu colaad ka dhex abuuri karo Gobalka, isla markaana ay Kenya ka dhaxli doonto dhibaatooyin fara badan.

Siyaasiga oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka madax bannaan Dowladda Kenya waxa uu ku booriyey Beesha Caalamka inay qaadaan Tallaabo degdeg ah muranka dhanka xuduudka ee u dhexeeya Kenya iyo Somalia, si looga hortago inay xiisadda sare u kacdo, waa sida uu hadalka u yiri.

- Advertisement -

Waxa kale oo uu xusay in waddo kasta loo oggol yahay ilaa 200 Arnootikaal maylis ee Badda oo qeyb ka ah Xuduudka, isaga oo dhanka kalena sheegay inay Somalia degdegayso iyadoo aysan Maxkamadda ICJ ku dhawaaqin Go’aanka kama dambaysta.

Hoggaamiyaha Xisbiga Amani National Congress ee dalka Kenya, Musaliya Mudafadi waxa uu ku booriyey  dadka Reer Kenya inaysan ku kala qeybsamin qaddiyadda Muranka Xuduudka Badda kala dhexeeya Somalia,  isla markaana ay Dowladda Kenya ku garab istaagaan sidii loo difaaci lahaa Xuduudaha ay Beesha Caalamka aqoonsan tahay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories