HomeWararKhilaaf hoose oo u dhexeeya Madaxweyneyaasha Somalia iyo Kenya oo soo shaac...

Khilaaf hoose oo u dhexeeya Madaxweyneyaasha Somalia iyo Kenya oo soo shaac baxay

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Inkastoo uu hataan Khilaaf Diplomaasiyadeed soo  kala dhex galay Dowladaha Somaalia iyo Kenya ayaa waxaa haddana isa soo taraya inay Labada Madaxweyne isku maan-dhaafeen Mustaqbalka Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo ay doorasho ku soo fool leedahay bisha August ee sannadkan. Madaxweynaha Kenya waxa uu aad u taageersan yahay Maamulka Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, iyadoo ay […]

- Advertisement -

Inkastoo uu hataan Khilaaf Diplomaasiyadeed soo  kala dhex galay Dowladaha Somaalia iyo Kenya ayaa waxaa haddana isa soo taraya inay Labada Madaxweyne isku maan-dhaafeen Mustaqbalka Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo ay doorasho ku soo fool leedahay bisha August ee sannadkan.

Madaxweynaha Kenya waxa uu aad u taageersan yahay Maamulka Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, iyadoo ay Gobalkaasi ku sugan yihiin Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

- Advertisement -

Dowladda Kenya waxay horey kaalin muhiim ka soo qaadatay sidii uu Axmed Madoobe ugu guuleysan lahaa  Doorashaddii Madaxtinimadda ee Jubbaland ka dhacday sannadkii 2013-kii

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Kenya bilowgii sannadkan uu Ergo ka socotay Odayaal ka soo jeeda Soomaalida-Kenyanka ah u soo diray Mdaaxweyne Farmaajo si uu uga fekero inuu Axmed Madoobe mar kale ku sii nagaado xilka Madaxweynaha Jubbaland.

Codsigii Madaxeynaha Kenya ayaa la sheegay inuu ku gacan sayray Madaxweyne Farmaajo oo Ergadii Somali-Kenyanka u sheegay inay soo xushaan Murashax kale ee lagu bedeli doono Axmed Madoobe,

- Advertisement -

Dhinaca kale, Wargeyska Nation ee ka soo baxa Nairobi oo aan Warbixintan ka soo xiganay ayaa waxa kale oo uu qoray in Xiriirka labada Waddan ee deriska ah uu xiriirkooda xumaaday bsihii Augsut ee sannadkii hore, kadib, markii ay Maamulayaasha Hay’addaha Ammaanka Kenya fureen Baaritaano ku aadan qaabka uu Fahad Yaasiin oo xilligaasi ahaa Ku-xigeenka Agaasimihii Hay’adda NISA, balse hataan ah Agaasimaha Guud ee NISA ku helay Baasabooradda Soomaaliga iyo Kenyaanka.

Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka u dhexeeya Labada Madaxweyne ee Somalia iyo Kenya ayaa soo shaac baxay, xilli ay dowladda Kenya sheegtay inay xiriirkii Diplomaasiyadeed u jartay Somalia, isla markaana ay u aragto dal ah Danaha Kenya.

 

Xigasho: Daily Nation, Kenya

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories