HomeWararAkhriso:-Dowladda Soomaaliya oo Jawaab ka bixisay Go’aankii dowlada Kenya

Akhriso:-Dowladda Soomaaliya oo Jawaab ka bixisay Go’aankii dowlada Kenya

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa goor dhowayd jawaab ka bixisay tallaabadii ay shalay qaadday dawladda Kenya ee ay kula soo laabatay safiirkeeda Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in khariiradaha ay sheegtay dawladda Kenya ay muujinayso badda Soomaaliya ayna waafaqsan tahay mowqifka weligeed ee dawladda Soomaaliya iyo dawcadda ku saabsan xadka badda ee hortaalla maxkamadammada caalamiga ah ee […]

- Advertisement -

Dawladda Soomaaliya ayaa goor dhowayd jawaab ka bixisay tallaabadii ay shalay qaadday dawladda Kenya ee ay kula soo laabatay safiirkeeda Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in khariiradaha ay sheegtay dawladda Kenya ay muujinayso badda Soomaaliya ayna waafaqsan tahay mowqifka weligeed ee dawladda Soomaaliya iyo dawcadda ku saabsan xadka badda ee hortaalla maxkamadammada caalamiga ah ee Adudunka ee Hague. Waxay sheegtay Soomaaliya in mowqiifkaasi uu ka turjumanayo mas’uuliyadda saaran dawladda Soomaaliya ee ay ku ilaalinayso midnimada iyo madaxbannaaniddeeda siyaaso iyo dhuleed.

- Advertisement -

Soomaaliya waxay sheegtay inay aad uga xuntahay waxa ay Kenya ku sheegtay inay Soomaaliya bixinayso xidhmooyin bad ay lahaan karto Kenya. Waxay sheegtay inaysan qandaraas ku bixin xidhmooyin, qorshahana ugu jirin inay ku bixiso wax xidhmooyin ah oo ku yaalla degaanka lagu muransan yahay ilaa inta maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay go’aan ka gaadhayso.

Soomaaliya waxay sheegtay inay u ballanqaadayso Kenya inaysan ku kicin falal dhinac keliya ah oo ku saabsan degaanka lagu muransan yahay ilaa maxkamaddu go’aan ka gaadho. Soomaaliya waxay sheegtay in markii maxkamaddu go’aankaas gaadho inay ixtiraami doonto go’aanka maxkamadda.

Soomaaliya waxay sheegtay inay aad uga xuntahay go’aanka ay Kenya ku amartay safiirkii Soomaaliya Kenya inuu ka baxo Kenya iyadoo aan wax la tashi ah la samaynin dalwadda Soomaaliya.

- Advertisement -

 

VOA

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories