HomeWararTaliyaha Ciidanka Uganda oo booqasho ku yimid Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Uganda oo booqasho ku yimid Soomaaliya

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Uganda Lt. Peter Elwelu ayaa todobaadkaan booqasho ku yimid Soomaaliya,wuxuuna taliyaha si gaar ah u booqday goobaha ciidanka Uganda ee Qeybta ka Howlgalka AMISOM ku sugan yihiin.

Lt. Gen. Elwelu, ayaa maalintii khamiista ahayd oo taariikhda ku beegneyd February 14,booqday Ciidanka Uganda ee ku sugan magaalooyinka,Baraawe,Buulamareer,Qoryooley iyo deegaanka Ceel Jaale-Marka oo dhammaantood ka tirsan qeybta koowaad (Sector One),kuwaasi oo ku yaalo Gobolka Shabeellaha hoose.

- Advertisement -

“ Waxa ina quseeyo waxay tahay ineynu taageerno ciidankeenna qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee ku sugan halkan,” ayuu yiri Taliyaha ugu sareeya ee Ciidanka Uganda intii lagu guda jiray booqashadiisa Xerooyinka Militari.

Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Uganda Lt. Peter Elwelu,ayaa ciidanka ku dhiira geliyay iney is difaacaan,islamarkaana u shaqeeyaan si wadajir ah si ay uga gudbaan caqabadaha,islamarkaana guulo u gaaraan.

Sidoo kale, Lt. Gen. Elwelu ayaa la kulmay Guddoomiyaha degmada Qoryooley Sayid Ali Ibrahim,mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka degmadaasi  iyo waxgaradka,isagoona kala hadlay sidii la isaga kaashan lahaa sugida amniga iyo waliba dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

- Advertisement -

Ugu danbeyntii,Taliyaha Ciidanka Lugta dalka Uganda ayaa maanta gabagabeeyay booqashada uu ku yimid Soomaaliya.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories