HomeWararSawirro:-Taliyayaasha AMISOM oo shaaciyey inay heshiis ka gaareen qorshaha la dagaalanka Al-shabaab

Sawirro:-Taliyayaasha AMISOM oo shaaciyey inay heshiis ka gaareen qorshaha la dagaalanka Al-shabaab

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Taliyayaasha Sarsare ee AMISOM  waxay sheegeen inay isku raaceen Hawlgaalladda Muhiiman iyo in dhaqdhaqaaqyadda lagu salayn doono Nidaamka cusub ee Hawlgalladda ee ay Guddiga Isku-xirka Hawlgalladda Milliteriga ansixiyeen dabayaaqadii sannadkii hore ee 2018-ka.

War laga soo saaray Kulankii Taliyayaasha sarsare ee AMISOM ee shalay lagu soo gebagebeeyey magaalladda Muqdisho ayaa lagu sheegay in dhaqdhaqaaqyadda Milliteri ee AMISOM qeyb ka yihiin in la beeegsado Hawlgalladda ka dhanka ah Alshabaab iyo in laga saaro deegaanadda ay ku xooggan yihiin, waa sida ay hadalka u dhigeen.

- Advertisement -

Taliyayaasha hoggaaminaya Guutooyinka ka kala socda dalalka ay Ciiddamadda ka joogaan Somalia waxay kaloo isku raaceen dib-u-qaabaynta qaar ka mid ah Saldhigyadda Hawlgalladda ee Aagga hore si loo hubiyo badbaadinta xaruumaha ay dadka ku badan yihiin.

Waxay kaloo sheegeen inay AMISOM ka go’an tahay tahay ilaalinta ammaanka faa’idooyinkii laga gaaray Ammaanka Somalia, xitaa qorshayaashii lagu dhimi lahaa Ciiddanka AMISOM.

Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Ciiddanka AMISOM, Jeneral Tigaabu Yilma Wondimhunegn o oka hadlay Kulankaasi waxa uu ku baaqay in si weyn looga qeyb galo sidii Xal kama dambays ah loogu heli lahaa dhibaatooyinka soo wajahay Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay ka wada shaqeyn doonaan sidii ay Ciiddanka Soomaalida uga qeyb geli lahaayeen Hawlgalladda, si ay AMISOM ugu guuleystaan Qorshahooda.

Taliye-xigeenka Hawlgalladad iyo Qorshaha ee Taliska AMISOM, Jeneral Jaarlees Tai Gitaway waxa uu isagana hoosta ka xariiqay muhiimadda ay Wada-shaqeynta u leedahay Taliyayaasha Milliteriga si loogu guuleysto qorshaha cusub ee ay ku hawl-geli doonaan AMISOM ee CONOPS.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories