HomeWararMas’uuliyiin ka tirsan Degmada Qoryooley oo ku dhaawacmay dagaal ka socda degmadaas

Mas’uuliyiin ka tirsan Degmada Qoryooley oo ku dhaawacmay dagaal ka socda degmadaas

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Wararka Caawa aan ka heleyno Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xoogan.

Dagaalkaasi ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Xarunta Degmada Qoryooley,waxaana intaasi ka dib xigay dagaal toos ah uu u dhexeeyo Ciidamada dowlada Al-shabaakii weerarka soo qaaday,waxaana la isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

- Advertisement -

Guddoomiyaha kuxigeenka dhinca Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Dalsan ayaa u xaqiijiyay in dagaalka Caawa ka socda gudaha Degmada Qoryooley ay ku dhaawacmeen Guddoomiyaha Degmadaasi ,kuxigeenkiisa,Xoghayaha iyo Taliyaha deegaanka Qoryooley,kadib markii guri ay ku jireen uu ku soo dhacay Madfac.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dhaawaca soo gaaray Guddoomiye kuxigeenka Qoryooley uu yahay mid culus,waxaana weli la maqlayaa rasaas xoogan oo ka dhaceysa gudaha degmadaasi.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories