HomeMaqalDhageyso:-Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir oo digniin adag u dirtay dadka baraha bulshada soo...

Dhageyso:-Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir oo digniin adag u dirtay dadka baraha bulshada soo dhiga wararka ka dhanka ah Maxkamadaha

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobalka Banaadir garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi ayaa digniin adag u diray dadka isticmaala barasha bulshada una adeegsada galalka dacwadaha ee horyaala maxkamadaha una baahan go’aan ka gaarista gaar ahaana kuwa rayidka ah. Garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi ayaa sheegay laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 16/2/2019 ciddi ka dacwoota baraha bulshada soona […]

- Advertisement -

Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobalka Banaadir garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi ayaa digniin adag u diray dadka isticmaala barasha bulshada una adeegsada galalka dacwadaha ee horyaala maxkamadaha una baahan go’aan ka gaarista gaar ahaana kuwa rayidka ah.

Garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi ayaa sheegay laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 16/2/2019 ciddi ka dacwoota baraha bulshada soona dhigta kiis ka socda  Maxkamadda in lagu soo oogi doono ciqaab adag iayada oo baaris ay ku sameynayaan hay’adaha dembi barista kadibna go’aan cadaalad ah laga gaari doono wararkii ka dhanka ahaa ee uu ku faafiyay baraha bulshada.

- Advertisement -

Digniinta ka soobaxday Maxkamadda Racfaanka gobalka Banaadir ayaa ku soo aadeysa iyada oo dad badan oo isticmaala baraha bulshada ayaa boggooda u adeegsada qormooyin Siyaasi ah iyo Muuqaalo mararka qaar ay kaga hadlaan garsoorka dalka.

 

Hoos ka Dhageyso Codka Garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories