HomeWararXildhibaan isu casilay rooti uu xaday

Xildhibaan isu casilay rooti uu xaday

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Xubin ka tirsan xildhibaannada Slovenian ayaa xilka ka dagay ka dib markii uu dukaan ka xaday rooti la jeexay oo la dhex galiyay wixii lagu cuni lahaa, xildhibaanka ayaa sheegay in shaqaalaha dukaanka ku yaalla Ljubljana ay u isku mashquuleen oo uu wax la hadla waayay.

Darij Krajcic ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in uu ka xanaaqay “sida loola dhaqmay” uuna go’aansaday in uu tijaabiyo ilaalada dukaanka isaga oo rootigii iskala baxay.

- Advertisement -

Xatooyadan ayaan la ogaanin, balse xildhibaankan ka tirsan xisbiga talada haya ee Marjan Sarec List ayaa markii dambe ku adkaystay in uu dukaanka ku laabtay si uu lacagta u bixiyo.

Xildhibaan Krajcic ayaa raali gain bixiyay, wuxuuna sheegay in uu ka xunyahay “tijaabada uu sameeyay”.

Qirashadiisan ayaa markii u horraysay dadku ogaadeen markii uu sheekadan la wadaagay xildhibaanno kale iyadoo guddi xildhibaannada ka tirsan ay kulan lahaayeen Arbacadii.

- Advertisement -

Goobta lacagta laga bixiyo ayaan taagnaa muddo saddex daqiiqo ah, ayuu yiri xildhibaanka 54 jirka ah oo arrintan u sharxaya TV-ga gaarka loo leeyahay ee POP.

Waxaa la sheegay saddex ka mid ah shaqaalaha dukaanka in ay ku guul darraysteen in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa xildhibaanka, ayna sababtay in barafasoorkan hore uu tijaabiyo feejignaanta shaqaalaha.

“Qofna iima imaanin, qofna igama dabo qaylyin,” ayuu yiri isaga oo sheegaya in kaameerooyinka ammaanka oo aad la isugu halleeyo ay keento in shaqaaluhu ay mararka qaar “taxadarka yareeyaan”.

Xildhibaannadii kale marka uu u sheegay markii hore way qosleen, balse Brane Golubovic oo ah hogaamiyaha xildhibaannada xisbiga LMS ayaa Khamiistii cambaareeyay ficilka xildhibaan Krajcic, wuxuuna ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

“Isaga ayaa masuuliyadda qaatay, iskii ayuuna isu casilay” Golubovic ayaana saxaafadda u sheegay, “in arrintaasi ay waafaqsan tahay anshax ilaalinta heerka sare ah ee xisbiga.

Krajcic ayaa xildhibaannimada loo doortay bishii Sabteembar.

Xigasho BBC-SOMALI

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories