HomeWararDEG DEG:-Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho

DEG DEG:-Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Nin la sheegay in uu ka tirsanyahay Ciidanka dowladda ayaa Dil ka geystay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Iskuulka Yaaqshiid oo ku dhow saldhiga Booliiska,waxaana dilkaas loo geystay Haweeney ka mid aheyd dadka deegaanka sida ay xaqiijiyeen ehelada gabadha la dilay.

Allaha u naxariistee gabdha dilka loo geystay ayaa lagu magacaabi jiray Fardowso Abuukar Maxamed waxaana ay wada murmeen askariga oo markii hore korkeeda rasaas ka riday, kadibna ay ka dalbatay in uu ka leexiyo Bastooladda uu xabadda ka riday,isaga oo intaas kadib toos ugu soo aadiyay madaxana kaga toogtay.

- Advertisement -

Fardowso Abuukar Maxamed oo ah marxuumadda la dilay waxa ay aheyd xaas leh caruur yar-yar,eheladeeda ayaana Dalsan u sheegay in loo qaaday meydkeeda xarunta dembi barista ee CID-da ee Magaalada Muqdisho.

Askariga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday xili markii hore ay yimaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaana ciidanka Booliiska ee degmada,dadka deegaanka ayay dhacdadaan ku noqotay mid argagax leh waxaana ay sheegeen in ay aad uga naxeen.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories