HomeWararTaliyaha Ciidanka Maraykanka ee Qaaradda Afrika oo xilka ka degaya

Taliyaha Ciidanka Maraykanka ee Qaaradda Afrika oo xilka ka degaya

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Jeneral Thomas David Waldhauser ayaa la filayaa inuu xilkaasi ka dego, sida ay sheegeen Saraakiil Maraykan ah.   Jeneralka oo 66-jir ah waxa uu Hawlaha Ciiddamadda ku soo biiray sannadkii 1976-dii, isagoo ka tirsanaa Ciiddanka Mariniska ee dalkaasi, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay Talisyadda Milliteriga Maraykanka, isagoo ka qeyb galay Hawlgalo Milliteri ee […]

- Advertisement -

Jeneral Thomas David Waldhauser ayaa la filayaa inuu xilkaasi ka dego, sida ay sheegeen Saraakiil Maraykan ah.

 

- Advertisement -

Jeneralka oo 66-jir ah waxa uu Hawlaha Ciiddamadda ku soo biiray sannadkii 1976-dii, isagoo ka tirsanaa Ciiddanka Mariniska ee dalkaasi, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay Talisyadda Milliteriga Maraykanka, isagoo ka qeyb galay Hawlgalo Milliteri ee xilka looga tuuray Madaxweynihii hore ee dalka Iraq, Marxuum Saddaam Xuseen.

 

Jeneral Thomas David Waldhauser waa Taliyihii 4-aad ee soo mara Taliska Ciiddanka AFRICOM ee ay Xaruntiisa ku taallo magaalladda Istutgarat ee dalka Jarmalka.

- Advertisement -

Waxaana Xilkaasi loo magacaabay bishii July 18-dii ee dannadkii 2016-kii, iyadoo Ku-xigeenkiisa laga dhigay Jeneral Aleskandar Laskaris.

 

Jeneral Thomas David Waldhauser oo deggaan ahaan ka soo jeeda magaalladda Saynt Pawl ee Gobalka Minnosata ee dalka Maraykanka waxa uu isbuucii hore hor tegay Guddiga Senedka Mraaykanka ugu qaabilsan Arrimaha Adeegga Ciiddamadda, isagoo faahfaahin ka siiyey Hawlgalladda AFRICOM ka wadaan dalal ay Somalia ka mid tahay.

 

Taliyaha Ciiddanka AFRICOM ee xilka ka sii degayo, Jeneral Waldhauser waxa uu ka shanqariyey inaan Duqeyn Diyaaradeed oo keliya looga guuleysan karin Hawlgalladda ka dhanka ah Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

 

Wuxuuna sheegay in lama huraan tahay inay Ciiddanka DFS kaalintooda ka qaataan Hawlgalkaasi,wuxuuna qiray inay Duqeymahaasi geystaan dhibaatooyin.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories