HomeWararSawirro:-Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo kulan wada tashi ah ka furtay Jowhar

Sawirro:-Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo kulan wada tashi ah ka furtay Jowhar

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Kulan wada tashi ah oo ay ujeeddadiisu ahayd sidii ay Ururrada Bulshadda rayidka Hirshabeele talooyinkooda ay uga dhax muuqan lahaayeen Qorshaha horumarinta Qaranka ayaa lagu qabtay Magaalada Jowhar.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen madax uu ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Asad Yusuf Qanyare ayaa looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa qorshaha Sagaalaad ee horumarinta Qaranka, iyo hadafka Wasaaradda oo ah in la dhagaeysto Bulashadda Soomaaliyeed oo dhan.

- Advertisement -

Agaasimaha ayaa sheegy in ay diyaar u yahiin in ay dhageystaan Urarrada Bulshada rayidka iyo talooyinkoooda ku aadan Qorshaha saldhigga u ah horuarminta Dalka, sida yarynta Saboolnimada, geeddi socodka deyn cafiska Soomaaliya.

Ururrada Bulshada rayidka ayaa loo qeybiyay Shan koox oo ay saldhig u tahay tubaha qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad, waxanay Bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka kulankaa ku sugnaa soo bandhigeen aragti muhiim u ah geeddi socodka qorista qorshaha oo ahmiyad ballaaaran u leh Dalkeenna.

Dhinaca kale, waftiga uu hoggaaminayo agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheyta, Mudane Asad Yusuf Qanyare ,ayaa la kulmay Madaxweyne ku xigeenka  Maamulka Hirshabeele, Cali Guudlaawe isagoo uga warbixiyay dedaallada ku aaddan geeddi socodka qorista qorshaha horuamrinta Qaranka Sagaaalaad.

- Advertisement -

Madaxeeyne, Cali Guudleewe ayaa soo dhaweeyay wadatashiga Wareegga kowaad ee Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad ee xiilligan ka socda Hirshabeelle iyo maamullada Dalka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories