HomeWararSawirro:-RW Khayre oo kulan la qaatay Guddiga Badbaadinta iyo soo celinta hantida...

Sawirro:-RW Khayre oo kulan la qaatay Guddiga Badbaadinta iyo soo celinta hantida Qaranka

Date:

Related stories

Midowga Afrika oo ku baaqay hal cod oo adduunka ah

Libreville, 20 May 2026 – Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU),...

Somali Human Rights Body Secures UN Peacebuilding Support

The Chairperson of the Somali National Human Rights Commission,...

 Israa’iil oo soo dhaweysay safaaradda Somaliland ee Jerusalem

Tel Aviv, 20 May 2026 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

Maryan Qaasim oo UN kula wadaagtay xuquuqda aadanaha

Maryan Qaasim oo UN kula wadatay xuquuqda aadanaha Muqdisho, Arbaco,...

Xamsa oo soo dhaweeyay safiirka cusub ee Jabuuti

Xamsa oo soo dhaweeyay safiirka cusub ee Jabuuti Muqdisho, 20...

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kulankiisii ugu horreeyay maanta la qaatay guddiga badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga talo ka siiyay hannaanka ay u gudanayaan waajibaadka laga doonayo, isaga oo ku dhiirri geliyay samaynta Istaraatiijiyd ku habboon dar-dargelinta mas’uuliyadda ka saaran badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha guddiga, ahna wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee xukuumadda fedraalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Goodax Barre, oo ka warbixiyay shirka ayaa sheegay in kulankooda maanta looga hadlay qorshaha waxqabadka guddiga ee sannadkaan 2019, ayna Ra’iisul Wasaaraha kula wadaageen hannaanka ay u qaabeeyeen shaqada ay qabanayaan.

Wasiir Cabdullaahi Goodax ayaa sheegay in guddiga iyo Ra’iisul Wasaaruhu ay isla garteen in shaqooyinka guddiga la haleeshiiyo tubaha qaranka iyo in wasaarad waliba ay sannadkaan gacanteeda kusoo celiso ugu yaraan sedax hanti dawladeed oo aan cid gaar ah gacanta ku hayn iyo laba hanti dawladeed oo gacanta ugu jirta shaqsiyaad ama shirkado gaar ahna, sidoo kalana isla sannadka gudihiisa laga shaqaysiisyo, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iidaystaan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories