HomeWararSawirro:-Heshiiska Tababarrada Ciidamada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo la ansixiyay

Sawirro:-Heshiiska Tababarrada Ciidamada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo la ansixiyay

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxa ay ku meel mariyeen Heshiiska Tababarrada Ciidamada ee ay horay u kala saxiixdeen dawladaha Soomaaliya Iyo Turkiga

Wasiirrada xukuumadda ee kulanka goob joogga ahaa ayaa dood kadib waxa ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen heshiiska oo horay wasaaradda difaaca dalku ay ugu soo gudbisay golaha wasiirrada si loo dardar-geliyo qorshaha dawladda Turkigu ay ku tababarayso ciidanka xoogga dalka, arrintaas oo qayb ka qaadanaysa in Soomaaliya ay hesho ciidamo tababaran, tayaysan oo tirsan, lana wareegi kara mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta amniga guud ee dalka.

Halbeegyada wasaaradda difaacu ay ku leedahay tubta amniga iyo cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah in laga shaqaysiiyo qaybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka looguna helo tababarrada iyo agabka ay u baahnayihiin si ay awood buuxda ugu yeeshaan in ciidanka nabad ilaalinta midawga Afrika ay ugala wareegaan mas’uuliyadda amniga.

Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay qorshaha dayn cafinta, dar-dar gelinta qorshaha dib-u-eegisa dastuurka iyo tayaynta shaqaalaha dawladda iyada oo sidoo kale lagu soo bandhigay Xeer Ra’iisul Wasaare, Number 47 oo qeexaya habraaca heshiisyada dawladda federaalka kaas oo faraya hay’ad iyo wasaarad waliba ee dawladeed in ay ku salayso heshiisyada iyo is-afgaradyada ay gelayso si loo haleeshiiyo hannaanka dawlad wanaagga dalka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories