HomeWararAkhriso:-Xisbiyo Siyaasadeed oo u midoobay sidii ay xilka uga tuuri lahaayeen Madaxweynaha...

Akhriso:-Xisbiyo Siyaasadeed oo u midoobay sidii ay xilka uga tuuri lahaayeen Madaxweynaha Dalka…

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Ilaa 17 Xisbi Siyaasadeed, Ururo Ganacsato, Dhaqhaqaaqyadda Dhallinyarada iyo Kooxaha Bulshadda Rayidka ee dalka Sudan ayaa ku heshiiyey inay si wadajir ah  uga shaqeeyaan sidii ay uga hortegi lahaayeen Madaxweyne Al-bashiir iyo Dowladiisa.

Kooxahaasi shalay wada saxiixay Heshiiska Isbahaysiga waxaa ka mid ah: Dhaqdhaqaaqa Suudaan ee Isbedelka Haatan, Dhaqdhaqaaqa GIRIFNA iyo Ururka Beeralayda Suudan.

- Advertisement -

Kooxahaasi markii ay Heshiiska qalinka ku duugeen, kadib, waxay ka qeyb galeen Dibadbax Siyaasadeed, oo uu hoggaaminayey Maxamed Al-mustafa oo ka tirsan Xisbiga SPA. Wuxuuna sheegay inaysan Saxiixayaasha waxba kala hari doonin dadaalkooda ku aadan sidii xilka looa tuuri lahaa Madaxweynaha dalka Sudan, Omar Xasan Albashiir oo isagu xilkaasi hayey tan iyo sannadkii 1989-kii.

Waxa kale oo uu sheegay inay ka wada shaqeyn doonaan sidii Nidaam Dinuqraadi loogu soo dabaali lahaa Suudaan.

Dhinaca kale, Madaxweyne Cumar Xasan Axmed Albashiir oo 75 jir waxa uu shalay sheegay inuu sannadkan 2019-ka uu dadka Suudaan unoqon doono Sannadka Nabadda Suudaan.

- Advertisement -

Wuxuuna xusay in la aamusin doono shanqarta Qoryaha yaalla gudaha Suudaan.

Tan iyo bartamihii bishii December ee sannadkii hore, Dibadbaxyo xooggan ayaa waxay ka socdaan dalkaasi , waxayna Dibadbaxayaasha sheegeen in Madaxweyne Albashiir iyo Xisbiga haya talada Suudaan ee NCP ku guul-daraysteen inay wax ka qabtaan sicir-bararka maciishadda, gaar ahaan qiimaha Rootiga iyo Shidaalka oo sare u kacay.

Dibadbaxyadaasi rabshadaha watay waxay Saraakisiha Dowladda Suudaan sheegtay inay ku geeriyoodeen in ka badan 31 qof, inkastoo ay Mucaaradka ay tirade dhimada gaarsiiyeen ilaa 50-qof.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories