HomeCaalamkaMadaxweynaha Uganda oo Farmaajo kula taliyay inuu sameysto Maleeshiyo Ciiddan noqon kara

Madaxweynaha Uganda oo Farmaajo kula taliyay inuu sameysto Maleeshiyo Ciiddan noqon kara

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri Kaguta Museveni ayaa hadalkaasi u sheegay Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay isku arkeen Shirweynihii 32-aad ee Madaxda Dowladaha Afrika ee lagu soo gebagebeeyey Xarunta dhexe ee Ururka Midowga Afrika oo ku taalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba. Sida ay qoreen qaar ka mid ah Warbaahinta Uganda waxa uu […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri Kaguta Museveni ayaa hadalkaasi u sheegay Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay isku arkeen Shirweynihii 32-aad ee Madaxda Dowladaha Afrika ee lagu soo gebagebeeyey Xarunta dhexe ee Ururka Midowga Afrika oo ku taalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Sida ay qoreen qaar ka mid ah Warbaahinta Uganda waxa uu Madaxweyne Museveni kula taliyey Madaxweyne Farmaajo inuu sameeyo Taageerayaal Maxali ah iyo Maleeshiyo Milliteri ah oo  diyaar u ah inay si mutadawacnimo isugu xil-qaamaan inay ka  shaqeeyaan Badbaadinta iyo Deganaanshaha  dalka Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray in haddii la tababaro Maleeshiyadda Mutadawaciinta ah inay u gudbi karaan inay noqdaan Ciiddanka Qaranka muddo 2 sanno gudaheeda.

“Waxaad u baahan tahay  inaad dhisto Ciiddan Qaran, oo ay qeyb ka yihiin Daneeyayaasha Maslaxadda ee muhiimka iyo Odayaasha Beelaha in fikradda Mutadacwacnimadda laga dhigto Istaraatijiyad” ayuu yiri Madaxweynaha Uganda.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu Yoweeri Museveni ku raacay in dadaalka lagu dhisayo Ciiddanka Qaranka ay marayso marxalladda qaabaynta qaab-dhismeedkooda.

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo waxa kale oo uu dhigiisa dalka Uganda ku casuumay inuu socdaal ku yimaado Somalia, si uu markhaati uga noqdo Soo-kabashadda Siyaasadda iyo Ammaanka Somalia, tan iyo markii ay Ciiddanka Uganda yimaadeen Somalia, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM ee  ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab.

Latest stories