HomeWararHowlgal dad lagu qabqabtay oo laga sameeyay Xaafado ka tirsan Muqdisho

Howlgal dad lagu qabqabtay oo laga sameeyay Xaafado ka tirsan Muqdisho

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxa ay Xaafado ka tirsan degmada Wartanabada ee Gobolkan Banaadir ka sameeyeen howlgallo dad u badan dhalinyaro lagu xir xiray. Howlgallada ayaa waxaa ay Ciidamada sigaar ah uga sameeyeen,Xaafadaha Xamar Jadiid,Cali Kamiin iyo laba-dhagax,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in ciidamada mararka qaar ay guryaha galayeen,isla markaana baaritaano ay […]

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxa ay Xaafado ka tirsan degmada Wartanabada ee Gobolkan Banaadir ka sameeyeen howlgallo dad u badan dhalinyaro lagu xir xiray.

Howlgallada ayaa waxaa ay Ciidamada sigaar ah uga sameeyeen,Xaafadaha Xamar Jadiid,Cali Kamiin iyo laba-dhagax,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in ciidamada mararka qaar ay guryaha galayeen,isla markaana baaritaano ay ku sameynayeen.

- Advertisement -

Ciidamada ayaa la sheegay inay howlgalkaas ku qabteen dad dhalinyaro u badan,kuwaas oo la geeyay goob ay fariisin ciidamada ku leeyihiin,kadibna badi la siidaayay halka kuwo kale ay ciidamadu ka shakiyeen ay kaxeysteen.

Inta uu howgalka socday ayaa waxaa uu saameyn weyn ku yeeshay isku-socodka dadka iyo Gaadiidka maadaama xilli fiid ah ay aheyd,waxaana Ciidamadu mararka qaar ay baaritaan ku sameynayeen Gaadiidka.

Howlgalkaas ayaa kusoo aadaya xilli mararka qaar falal amnidarro ay ka dhacaan Xaafadaha howlgalka laga sameeyay,sidoo kalena dhawaan la weeraray Xarun ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ku leeyihiin Isgoyska Cali Kamiin ee degmada Wartanabada.

- Advertisement -

Si kastaba howlgalkii xalay dadka lagu qabqabtay ee laga sameeyay Xaafado ka tirsan degmada Wartanabada ee Gobolkan Banaadir weli kama hadlin laamaha amniga Soomaaliya iyo Maamulka degmada intaba.

Latest stories