HomeWararSawirro:-Jubbaland oo war ka soo saartay weerar ka dhacay Gobolka Jubabda Hoose

Sawirro:-Jubbaland oo war ka soo saartay weerar ka dhacay Gobolka Jubabda Hoose

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgallo qorsheysan waxa ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga degmada Jamaamee e Gobolka Shabeellaha Jubbada hoose,halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin dagaalamayaal ka tirsan Shabaab. Howlgalkaas ayaa waxaa uu ahaa mid sida ay saraakiisha Ciidamada Jubbaland sheegeen looga hortagayay weeraro ay qorsheynayeen Al-Shabaab,isla markaana ay ka qeyb qaateen […]

- Advertisement -

Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgallo qorsheysan waxa ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga degmada Jamaamee e Gobolka Shabeellaha Jubbada hoose,halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin dagaalamayaal ka tirsan Shabaab.

Howlgalkaas ayaa waxaa uu ahaa mid sida ay saraakiisha Ciidamada Jubbaland sheegeen looga hortagayay weeraro ay qorsheynayeen Al-Shabaab,isla markaana ay ka qeyb qaateen ciidamada Taliska 43-aad iyo kuwa Jubbaland.

- Advertisement -

Howlgalka ayaa saakay waaberigii hore waxa ay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ka sameeyeen meel u dhow deegaan lagu Magacaabo Kobon,waxaana saraakisha Ciidamada Jubbaland ay soo bandhigeen waxyabaha qarxa oo ay sheegeen inay howlgalkaas kusoo qabteen.

Khasaaro ayay sheegen saraakiisha Jubbaland ay ay Al-Shabaab howlgalkaas ugu geysteen wallow aysan soo bandhigin,hayeeshee waxa ay sheegeen inay ku qabsadeen Qoryaha nooca Garbaha laga tuuro,sidoo kalena ay soo saareen Miinooyin gaaraya ilaa 20,kuwaas oo wadada lagu aasay.

Warkaan kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Jubbaland weli dhankooda kama hadlin Al-Shabaab,hayeeshee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa horay ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

- Advertisement -

Latest stories