HomeCaalamkaMidowga Afrika oo taageeray qorshaha Somalia looga cafin lahaa Daymaha

Midowga Afrika oo taageeray qorshaha Somalia looga cafin lahaa Daymaha

Date:

Related stories

Beesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya

Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Muqdisho kulan xogsiin ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka,

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

madaxweynaha Koonfur Sudan Oo Beddelay Guddoomiyihii Baanka Dhexe

Madaxweynaha Koonfur Sudan Salva Kiir oo xilka ka qaaday guddoomiyihii baanka dhexe Johnny Ohisa, isagoo bedel u magacaabay Addis Ababa Othow.

Trump oo dadka weydiiyay wax aan dhicin

Trump oo mar kale sheegay in dabayl la'aan ay sababtay in dadka aysan daawan karin dood siyaasadeed 2024. Khubaradu waxay sheegayaan in aanay jirin caddeyn muujinaysa dhacdadaas.

Maqaayad Xalaal Ah Oo Kala Qaybisay Faransiiska

Dagaal ku saabsan makhaayad digaag xalaal ah oo Paris ka taal ayaa noqday astaan u ah kala qaybsanaanta siyaasadeed ee Faransiiska, iyadoo u dhexeeya duqa Sooshaalistaha iyo xisbiga far-left ee France Unbowed.

Guddiga Midowga Afrika ayaa shaaciyey inay taageeri doonaan qorshaha Dowladda Somalia ku doonayso in loo cafiyo Lacagaha daymaha Caalamiga ee lagu leeyahay, taasi oo caga-cagaynayso 4.6 Billion oo Dollar. AU-da waxay sheegeen haddii Somalia laga cafiyo Lacagaha Daymaha inay taasi u oggolaan karto Sonalia inay helaan Kaalmayn Caalami ah. Hadalkaasi ayaa so obaxay, kadib, markii […]

- Advertisement -

Guddiga Midowga Afrika ayaa shaaciyey inay taageeri doonaan qorshaha Dowladda Somalia ku doonayso in loo cafiyo Lacagaha daymaha Caalamiga ee lagu leeyahay, taasi oo caga-cagaynayso 4.6 Billion oo Dollar.

AU-da waxay sheegeen haddii Somalia laga cafiyo Lacagaha Daymaha inay taasi u oggolaan karto Sonalia inay helaan Kaalmayn Caalami ah.

- Advertisement -

Hadalkaasi ayaa so obaxay, kadib, markii ay Saraakiisha DFS, Ururadda Bulshadda Rayidka, Ururadda Horumarinta Caalamiga ayaa ugu baaqay Ururka Midowga Afrika inay u ololeeyaan sidii Somalia looga cafin lahaa Daymaha lagu leeyahay.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Dhaqaalaha ee DFS, Jamaal Maxamed  Xasan ayaa sheegay inay Somalia u baahan tahay Iskaashi, si looga cafiyo Daymaha lagu leeyahay, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay taasi taageero ka geysan doonto Qorshaha Horumarinta ee Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DFS, Axmed Ciise Cawad ayaa isagana sheegay haddii la cafiyo Daymahaasi inay taasi la micno tahay inay wax badan laga qaban karo Arrimaha Gudaha Somalia, gaar ahaan Arrimaha dadka Barakacayaasha oo ay horey Madaxda dalalka Afrika uga hadleen Kulankoodii 32-aad ee shalay ugu soo gebageboobay magaalladda Addis Abeba.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Somalia si looga cafiyo Daymaha Caalamiga waxaa loo baahan yahay inay Hay’adda Lacagaha Calaamiga ee IMF ansixiso si ay Agaasimayaasha IMF dib u eegaan Horumarka Somalia  iyo inay DFS wada-xaajood la galaan Deeq Bixiyayaasha Khaaska si ay uga cafiyaan Daymahaasi.

Latest stories