HomeWararKulankii Saddexaad ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo baaqday

Kulankii Saddexaad ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo baaqday

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Xildhibaanada Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ka baaqday Saddex kulan oo la filayay inay yeeshaan,kadib markii ay kasoo laabteen fasax laba bilood ah oo ay Xildhibaanadu galeen. Kulankii Saddexaad kal-fadhigiisa 5aad ayaa todobaadkaan baaqday,waxaana Xildhibaanadu ay todobaadkii yeelan jiraan Saddex kulan oo kala ah maalmaha Sabtida,Isniinta iyo Arbacada,sida ku qoran jadwalkooda kulamada,hayeeshee la warsugayo in […]

- Advertisement -

Xildhibaanada Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ka baaqday Saddex kulan oo la filayay inay yeeshaan,kadib markii ay kasoo laabteen fasax laba bilood ah oo ay Xildhibaanadu galeen.

Kulankii Saddexaad kal-fadhigiisa 5aad ayaa todobaadkaan baaqday,waxaana Xildhibaanadu ay todobaadkii yeelan jiraan Saddex kulan oo kala ah maalmaha Sabtida,Isniinta iyo Arbacada,sida ku qoran jadwalkooda kulamada,hayeeshee la warsugayo in uu qabsoomo kulanka Beri oo Arbaco ah.

- Advertisement -

In kastoo aysan sidhab ah u soo bixin waxyaabaha sababay inay baaqdaan dhowrkaas kulan ayaa hadana,waxa jirtay in qaar ka tirsan Golaha Wakiilada Hir-Shabeelle ay dalsan u sheegeen in Xarunta Baarlamaanka ay la wareegeen ciidamo ka amar qaata Madaxweyne Waare,isla markaana loo diiday inay ku shiraan.

Baarlamaanka Hir-Shabelle ayaa kulankoodii ugu dambeeyey oo ay yeeshaan waxa uu dhacay 4tii  bishaan Febaraayo ee sanadkan 2019,iyada oo Xildhibaanada qaarkood ay dalbadeen in Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare uu baarlamaanka horyimaado.

Xildhibaanada qaar ee Hir-Shabeelle ayaa qaba in sababta ay kulamada u baaqdeen uu mas’uul ka yahay Madaxweyne waare oo 50 ka mid ah Xildhibaanada Wasiiro ka dhigay halka qaarkood uu balan qaad uu u  sameeyay sida ay sheegeen,sidoo kalena Xarunta Baarlamaanka ay Ciidamo la wareegeen.

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle ayaa dhawaan waxa uu isku-shaandheyn ku sameeyay golihiisa Wasiirada,kadib culeyo siyaasadeed oo soo wajahay,waxaana dhamaan Wasiirada uu Magacaabay ay yihiin Xildhibaano taas oo Xildhibaanada qaar ay dood ka keeneen.

Latest stories