HomeWararKenya oo shaacisay qorshaha ciidankooda ka jooga Soomaaliya

Kenya oo shaacisay qorshaha ciidankooda ka jooga Soomaaliya

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweyne-ku-xigeenka dalkaasi, William Ruto  ayaa hadalkaasi ka sheegay Khudbad uu dhawaan ka jeediyey Aqalka Chatham House ee magaalladda London ee dalka UK, wuxuuna xusay inaysan Dowladiisa weli ka fekerin Go’aan ku adaan inay Ciiddankooda kala soo baxaan Somalia cabsida uga imaanayso Dagaalamayaasha Alshabaab darteed. Hoggaamiyayaal iyo Siyaasiyiin Kenyan ah ayaa waxay horey ugu  baaqeen La-soo-bixida […]

- Advertisement -

Madaxweyne-ku-xigeenka dalkaasi, William Ruto  ayaa hadalkaasi ka sheegay Khudbad uu dhawaan ka jeediyey Aqalka Chatham House ee magaalladda London ee dalka UK, wuxuuna xusay inaysan Dowladiisa weli ka fekerin Go’aan ku adaan inay Ciiddankooda kala soo baxaan Somalia cabsida uga imaanayso Dagaalamayaasha Alshabaab darteed.

Hoggaamiyayaal iyo Siyaasiyiin Kenyan ah ayaa waxay horey ugu  baaqeen La-soo-bixida Ciiddankaasi, kadib, weerarkii ay Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab bartamihii bishii hore ku qaadeen Hotelka Dusit D2 ee magaalladda Nairobi.

- Advertisement -

William Ruto  oo ah Ku-xigeenka 2-aad ee Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalka Kenya waxa uu sheegay in Ciiddankooda jooga Somalia ay guul ka gaareen Dagaalka Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay Joogitaanka Ciiddanka Kenya ee gudaha Somalia ay ansixyeen AMISOM, isago odhanka kalena sheegay in Alshabaab lagula dagaalamo gudaha Somaluia ka fiican tahay in lagula dagaalamo gudaha Kenya, waa sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Madaxweyne-ku-xigeenka dalkaasi, William Ruto  ka jeediyey Aqalka Chatham House  ee magaalladda London waxa kale oo uu ku sheegay in Madaxweyne Uhuru Kenyatta sheegay in muddada 2-aad ee uu Xafiisku fadhido  ka go’an tahay La-dagaalanka Alshabaab

- Advertisement -

Dhinaca kale, Siyaasiyiinta mucaaradka Kenya ee Isbahaysiga ODM oo uu hoggaamiyo Raila Amolo Odinga iyo Siyaasiyiin kale ayaa ku booriyey Dowladda Kenya in Ciiddanka KDF laga soo daad-gureeyo gudaha dalka Somalia.

Hoggaamiyayaashaasi waxay sheegeen in aan lo obaahnayn inay Ciiddankaasi muddo dheer iska sii joogaan gudaha Soamlia, balse loo baahan yahay in Ciiddankaasi dib loo soo celiyo, si ay dadka Kenyanka ugu badbaadiyaan dalkooda hooyo.

Si kastaba ha ahaatee, Dagaalamayaasha Alshabaab waxay horey wacad ugu mareen inay weeraro ka geysan doonaan gudaha Kenya, haddii aysan Dowladda Kenya ciiddankooda kala bixin Somalia oo ay horey ujoogeen tan iyo bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-kii.

Latest stories