HomeWararAmar kasoo baxay Eng Yariisow oo Maanta ka dhaqan galay Muqdisho

Amar kasoo baxay Eng Yariisow oo Maanta ka dhaqan galay Muqdisho

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ugu baaqay bulshada Caasimadda in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka iyo hay’adaha ku hawllan dib u soo celinta dhulalka Danta Guud. Eng.Yarisow oo dul istaagay waddada halbowlaha ah ee isku xirta Isbitaalka Keysanay iyo qeybaha kale ee degmada Kaaraan ayaa sheegay muhiimadda ay […]

- Advertisement -

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ugu baaqay bulshada Caasimadda in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka iyo hay’adaha ku hawllan dib u soo celinta dhulalka Danta Guud.

Eng.Yarisow oo dul istaagay waddada halbowlaha ah ee isku xirta Isbitaalka Keysanay iyo qeybaha kale ee degmada Kaaraan ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in la furo waddadan, lagana banneeyo dhismayaashii sharci darrada ahaa.

- Advertisement -

Waaxda Howlaha Guud iyo Maamulka Degmada Kaaraan ayaa iyagoo fulinaya amarkii Duqa Muqdisho waxay burburiyeen dhismeyaal si sharci darro ah looga dhistay waddada Isbitaalka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrintan ay salka ku hayso cabasho ay soo gudbiyeen waxgaradka deegaanka iyo Maamulka Isbitaalka Keysanay, taas oo ku saabsanayd in gaadiidka sida bukaanada iyo gurmadka deg degga ah ay ka xireen dhismeyaashaasi waddadii halbowlaha u ahayd Isbitaalka.

Guddoomiyeha Gobolka Banaadir ayaa bulshada Caasimadda ku dhiirri geliyey in ay u midoobaan ilaalinta iyo daryeelka goobaha Danta Guud, maadaama ay muhiim u tahay nolasha bulshada iyo bilicda Caasimadda.

- Advertisement -

Guddoomiyaha ayaa ugu danbeystii digniin culus u jeediyey dadka dokumentiyada u sameystay iyo kuwa ka dalaala guryaha sharcidarada lagu degenyahay.

Latest stories