HomeCaalamkaSawiro:-Shirweynaha Madaxda Dowladaha Afrika oo Maanta la soo geba-gabeynayo

Sawiro:-Shirweynaha Madaxda Dowladaha Afrika oo Maanta la soo geba-gabeynayo

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Kulan-madaxeedka Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika (AU)-da ayaa la filayaa in maanta lagu so ogebagebeeyo Xarunta Dhexe ee Ururkaasi oo ku taalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba. Furitaankii shalay ee Kulankaasi waxaa Madaxweynaha dalka Masar, C/Fataax Al-siisii loo doortay Hoggaaminta Sannadlaha ee Ururkaasi, isagoo xilkaasi kala wareegay dhigiisa dalka Ruwanda, Paul Kigambe. […]

- Advertisement -

Kulan-madaxeedka Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika (AU)-da ayaa la filayaa in maanta lagu so ogebagebeeyo Xarunta Dhexe ee Ururkaasi oo ku taalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Furitaankii shalay ee Kulankaasi waxaa Madaxweynaha dalka Masar, C/Fataax Al-siisii loo doortay Hoggaaminta Sannadlaha ee Ururkaasi, isagoo xilkaasi kala wareegay dhigiisa dalka Ruwanda, Paul Kigambe.

- Advertisement -

Madaxda Dowladaha Afrika waxay kulankii shalay kaga wada hadleen Arrimaha Ammaanka, Qaxootiga, Suuqa Xorta ee Afrika, Maalgashiga iyo Iskaashiga Guud ee dalalka  Afrika.

Madaxweynaha Masar o oka hadlay Kulankaasi waxa uu tilmaamay in Argagixisadda yihiin Kansar. Isla markaana ay doonayaan inay waxyeeleeyaan Afrika iyo inay wax kasta burburiyaan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Madaxweynaha dalke Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu ku baaqay inaan Kooxaha loogu yeero Argagixisdda marnaba loo oggolaanin inay deganaansho la’aan ka  abuuraan dal kasta oo ka tirsan Qaaradda Afrika, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Shirweynaha 32-aad ee Madaxda Afrika waxay kaga hadleen sidii loo aamusin lahaa dhamaan qoryaha yaalla Qaaradda Afrika marka la gaaro sannadka 2020-ka.

Hoggaamiyayaasha waxay kaloo ka hadleen Doorashadda Dimuqraadiga iyo Xil-kala wareegista nabdoon ee Qaaradda Afrika, waxayna amaaneen dalal ay ka mid yihiin Somalia, South Sudan, Ethiopia, Eritrea, Koongada Dimuqraadiga, Liibiya, iyo Afrikada Dhexe, kuwaasi oo la tilmaamay inay xusheenai nay wada-xaajood iyo nabad ku xaliyaan khilaafyada ka jira dalalkooda.

Latest stories