HomeCaalamkaMadaxa Gabdhaha K/Cagta Somalia oo sheegtay inay khatar ku jirto Nolosheeda ugana...

Madaxa Gabdhaha K/Cagta Somalia oo sheegtay inay khatar ku jirto Nolosheeda ugana carartay….

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Shayma Maxamed oo ah Madaxa Ciyaartoyda Haweenka ee K/Cagta Somalia ayaa hadalkaasi ku sheegtay Wareysi sy siisay Shabakadda Wararka ee Tuko.com ee laga leeyahay dalka Kenya, waxayna xustay inay hanjabadaasi ka dambeysay, kadib, markii ay Xiriirka K/Cagta Adduunka ee FIFA u gudbisay Cabasho ka dhan ah Xiriirka K/Cagta ee Somalia.

Waxay sheegtay in hanjabaadyo loo soo diray ku khasabtay inay ka soo cararto magaalladda Muqdisho, waa sida ay hadalka u dhigtay.

- Advertisement -

Madaxa Ciyaartoyda Haweenka ee K/Cagta Somalia, Shayma Maxamed waxay bishii hore u gudbisay FIFA in baaritaan lagu sameeyo dhaqaale loogu talagalay Gabdhaha K/Cagta oo ay FIFA u soo direen Xiriirka K/Cagta Somalia, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Waxay FIFA ugu baaqday in tallaabo laga qaado Saraakiisha ku lugta leh lacagaha la is-daba mariyey ee ay FIFA u soo dirtay Horumarinta Mashaariicda Gabdhaha K/Cagta ee Somalia.

Sidoo kale, waxay sheegtay inay Xiriirka K/cagta Somalia wadaan qorshe ay iyada kaga qaadi rabaan Xilkaasi, iyadoo aan dhamaysanin Xilli-hawleedkeeda uu Sharciga u oggol yahay oo dhan muddo 6-sanno ah.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Xiriir kasta oo Heer Qaran ah waxaa loo oggolaaday lacag ka timaada Xiriirka K/Cagta Adduunka ee FIFA oo loogu talagalay Haweenka K/cagta ee dal kasta, taasi o odhan 100,000 ilaa 500,000 oo Dollar, oo ah kharajka hawlgalladda ee ay adeegsadaan Haweenka K/cagta.

Waxaa kaloo Lacagahaasi u sii dheer  kharaj loogu talagalay  Safarada ay Haweenka K/Cagta kaga qeyb galayaan Taratamadda Caalamiga iyo Mashaariicda Khaaska u ah Adeegyadda Sport-ga ee Haweenka K/Cagta.

Saraakiisha FIFA oo mar sii horeysay la hadlay Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa London u sheegeen inay heleen Cabashadaasi, isla markaana ay Guddi u saari doonaan si ay Madaxda Xiriirka K/Cagta Somalia kala hadlaan arrintaasi, marka ay ku wada kulmaan magaalladda Addis Abeba.

Ma aha markii ugu horreysay ee ay Madaxa Gabdhaha K/Cagta Somalia, Shayma Maxamed cabashadaasi la wadaagto Warbaahinta, waxayna horey Wareysi dheer siisay Wargeyska The Guardian ee ka soo baxxa London.

Latest stories