HomeCaalamkaDhageyso:-Qodobada looga hadlay Shirka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay+Sawirro

Dhageyso:-Qodobada looga hadlay Shirka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay+Sawirro

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

shir uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo xarunta gobalka Banaadir ay ku yeesheen wasaaradaha, guddiyada iyo hay’adaha kale ee ku midaysan tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa looga hadlay dib-u-eegista qaab dhismeedka hay’adaha qaranka iyo asteynta awoodaha dowladda oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalka xukuumadda federaalka Soomaaliya. Dib-u-eegista qaab dhismeedka […]

- Advertisement -

shir uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo xarunta gobalka Banaadir ay ku yeesheen wasaaradaha, guddiyada iyo hay’adaha kale ee ku midaysan tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa looga hadlay dib-u-eegista qaab dhismeedka hay’adaha qaranka iyo asteynta awoodaha dowladda oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalka xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Dib-u-eegista qaab dhismeedka hay’adaha qaranka iyo asteynta awoodaha dowladda oo muhiim ah u shaqooyinka iyo daadejinta hawlaha hay’adaha kala duwan ee dawladda ayaa kamid ah halbeegyada laga doonayo wasaaradda arrimaha gudaha in ay ku xaqiijiso sannadkaan 2019.

- Advertisement -

Shirka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshayaasha shaqo ee maamulka gobalka Banaadir iyo sida ay ula jaan-qaadayaan halbeegyada Tubaha Qaranka iyada oo ugu dambayn lagu ansixiyay waajibaadka Shaqo ee tubta siyaasadda loo dhanyahay.

Hoggaanka dawladda waxaa ka go’an in awooda lagu wareejiyo shacabka Soomaaliyeed, lana fulinayo ballamihii billaawgii 2017, iyada oo loo marayo tubta siyaasadda loo dhanyahay oo himilooyinkeeda ay kamid yihiin Qaan-gaarsiinta nidaamka Federaalka, dhameystirka nidaamka dib-u-heshiisiinta, Dhameystirka Qabyo qoraalka dastuurka, Diyaarinta hannaanka iyo qorsheynta doorshooyinka 2020 iyo Xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo iskaashi danta Soomaaliya ku jirto oo aan dunida inteeda kale lala yeesho.

Hoos Ka Dhageyso Codka duqa Muqdisho oo shirka faah faahinaya kana Daawo Sawirrada.

- Advertisement -

Latest stories