HomeCaalamkaSawirro:-Wasiirada Beeraha Soomaaliya iyo Turkiga oo kulmay

Sawirro:-Wasiirada Beeraha Soomaaliya iyo Turkiga oo kulmay

Date:

Related stories

Carruurta Soomaaliya oo xarumo cusub ku helaya ilaalin iyo karaamo

Carruurta Soomaaliya oo xarumo cusub ku helaya ilaalin iyo...

Xukuumada Somalia oo cambaareeyay booqashada Somaliland ee Falastiin

Xamsa oo cambaareeyay booqashada Somaliland ee Falastiin Muqdisho, Khamiis 18...

Somalia oo ku baaqay dadaallada lagu yareynayo saboolnimada carruurta

SoDMA oo ka hadashay saboolnimada carruurta Soomaaliyeed Muqdisho, 18 Juun...

Madoobe oo Shiinaha la wadaagay baahiyaha horumarinta Koonfur Galbeed

Madoobe oo Shiinaha la wadaagay baahiyaha horumarinta Koonfur Galbeed Muqdisho,...

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...
- Advertisement -

Wasiirka Beeraha & Waraabka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa dalka Turkiga Magaalada Izmir kula yeeshay kulan rasmi ah Wasiirka Beeraha iyo Cuntada dalka Turkiga Md.Beker Birlmidir ,kulanka ayaa ka dambeeyay martiqaad Wasiirka Turkiga u fidiyay Wasiirka Soomaaliya.

kulankooda ayaa waxaa diirada lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soosaarka beeraha, iyo dardar galinta heshiisyo iskaashi oo labada Wasaaradood hore u galeen,waxaa sidoo kale Wasiirka Beeraha Sooamaliya uu ka dalbaday Wasiirka Beeraha in dhakhso loo hirgaliyo mashruuca biyo- xiraanka Jowhar iyo dib u dhiska kaabayaasha Beeraha Wasiirka balanqaaday in dhakhso loo bilaabi doono.

- Advertisement -

Waxa sidoo kale la isku raacay in xarumaha cilmi baarista iyo fidinta Beeraha dalka Turkiga lagu tababaro aqoonyahanka Beeraha Soomaaliyeed qaybaha kala duwan.

ugu dambeyn waxaa lagu heshiiyay in la dhiso guddi farsamo oo labada Wasaaradood oo ka kooban 10 qof.

labada Wasiir waxay sidoo kale kawada-qaybgaleyn bandhiga Beeraha caalamiga 14-aad oo magaalada Izmir ka furmay, iyadoo ay kasoo qaybgaleen Ilaa 10 wasiir beereed.

- Advertisement -

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories