HomeWararErgayga wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaliland oo kulamo ka wada Hargeysa

Ergayga wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaliland oo kulamo ka wada Hargeysa

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Magaalada Hargeysa ee Soomaaliland waxaa maalmahaan ku sugan Ergayga wadahadallada u qaabilsan Turkiga Soomaaliya iyo Soomaaliland Mudane Danjire Dr. Olgan Beker kaas oo Khamiistii Socdaal ku tegay Magalada Hargeysa. Ergayga ayaa kulankiisii ugu horeeyay la yeeshay Madaxda Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANE,isaga oo kala hadlayay qaabka ugu fudud ee loo bilaabo karo wadahadallada Soomaaliya iyo […]

- Advertisement -

Magaalada Hargeysa ee Soomaaliland waxaa maalmahaan ku sugan Ergayga wadahadallada u qaabilsan Turkiga Soomaaliya iyo Soomaaliland Mudane Danjire Dr. Olgan Beker kaas oo Khamiistii Socdaal ku tegay Magalada Hargeysa.

Ergayga ayaa kulankiisii ugu horeeyay la yeeshay Madaxda Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANE,isaga oo kala hadlayay qaabka ugu fudud ee loo bilaabo karo wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland oo weli hakad ku jira.

- Advertisement -

Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Warbaahinta u sheegay in Ergayga ay u sheegeen in ka xisbi ahaan ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan dib u bilaabista wadahadalladii Soomaaliya iyo Soomaaliland,isla markaana ay ka qeyb qaadanayaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in wadahadallada ay horseedi karaan in Soomaaliland ay hesho madax-banaani,sidoo kalena dunida inteeda kale ay wax la qeybsato.

Ergayga  Dowladda Turkiga u soo Magacaawday  Soomaaliya iyo Soomaaliland Mudane Danjire Dr. Olgan Beker oo mar soo noday Safiirka Turkiga u fahdiya Soomaaliya ayaa la filayaa in Maalinta Khamiista ah ee soo socota in uu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

- Advertisement -

Wadahadaladii Soomaaliya iyo Soomaaliland oo aaminsan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa hakad ku jira labadii Sano ee la soo dhaafay oo uu Soomaaliya Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Latest stories