HomeCaalamkaMareykanka oo shaaciyay in uu duqeyn ku dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Mareykanka oo shaaciyay in uu duqeyn ku dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in duqeymo ay ka geysteen 48-diii saac ee la soo dhaafay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ay ku dileen 15 ka tirsan Al-Shabaab. War-qoraal ah oo taliska ka soo baxay ayaa lagu sheegay in duqeyn hore oo 6-dii bishan February ka dhacday meel ku dhow deegaanka Bariire […]

- Advertisement -

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in duqeymo ay ka geysteen 48-diii saac ee la soo dhaafay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ay ku dileen 15 ka tirsan Al-Shabaab.

War-qoraal ah oo taliska ka soo baxay ayaa lagu sheegay in duqeyn hore oo 6-dii bishan February ka dhacday meel ku dhow deegaanka Bariire ay ku dileen 11 ka mid ah Al-Shabaab.

- Advertisement -

Talisku waxa uu sheegay in duqeyn kale oo 7-dii bishan iyana ka dhacday meel ku dhow deegaanka Gendershe ay ku dileen afar ka mid ah Al-Shabaab.

Taliska Mareykanka waxa uu intaasi ku daray in qiimeyntooda aysan illaa iyo hadda muujineyn in cid shacab ah ay duqeymahaasi wax ku noqdeen.

Sida uu sheegay, Maj. Gen. Gregg Olson, madaxa howlgalada AFRICOM, duqeymaha ayaa qeyb ka ah dadaallo ay dowladda Mareyakanka ku taageereyso ciidamada Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jiraan al-Shabaab.

- Advertisement -

Marka laga reebo Warkan kasoo baxay taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika Al-Shabaab dhankooda weli kama hadlin duqeyta uu Mareykanka sheegay in uu ku dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Latest stories