HomeCaalamkaSiyaasiyiinta Islaamka oo la dalbaday in Xilal sare laga siiyo dalka Uganda

Siyaasiyiinta Islaamka oo la dalbaday in Xilal sare laga siiyo dalka Uganda

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Mufti Sheekh Shacbaan Ramadaan Mubaaje oo ah Hoggaamiyaha Sare ee dadka Muslimiinrta Uganda waxa  uu ugu baaqay Dowladda Madaxweyne Yoweeri Museveni in la qabto Wada-xaajood Qaran, iyadoo la filayo inay dalkaasi ka dhacdo Doorashadda Guud sannadka 2021-ka.

Waxa uu sheegay haddii Wada-xaajoodka la qabto inay taasi meesha ka saarayso in loo baahdo in qoryo badan la keeno iyo in kharaj badan lagu bixito suntan dadka ka ilmeysiisa.

- Advertisement -

Muftiga dalka Uganda waxa uu si gaar ah ula hadlay  Hoggaamiyayaasha Muslimiinta Uguanda, wuxuuna ugu baaqay  inay oggolaadaan in Talada dal si nabad ah loogu kala wareego iyo inay taageeraan Hoggaamiyayaasha cusub ee ay dhexdooda ka doortaan.

“Ha la dagaalamina Hoggaamiyayaasha, waayo Ilaah ayaa u gartay. Ha ku dagaalamin wax aydaan maarayn karin. Waa ku kala jebi kartaan. Haddii ay qalad sameeyaan saxa oo iyaga ilaaliya” ayuu yiri Muftiga dalka Uganda.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Sare ee dadka Muslimiinrta Uganda, Sheekh Shacbaan Ramadaan Mubaaje waxa uu ka codsaday Maadaxweyne Yoweeri Museveni inuu garwaaqsado inay Muslimiinta helaan shaqooyin sare iyo magacaabista Siyaasadeed.

- Advertisement -

Waxa uu carrabka ku dhuftay inay haatan jiraan Muslimiin aad u badan oo leh Khibradaha muhiimka ah in lagu noqdo Wasiiro, Danjirayayaal, Guddoomiyayaal iyo kuwo kale.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha looga baahan yahay inuu u soo sheego Khibradaha uu u baahan yahay, si Murashixiinta xilalkaasi loogu geeyo.

Dadka Uganda oo 84%  ah dad Kirishtaan ah waxaa la sheegaa inay hayaan Xilalka ugu sarreeya  ee Hay’addaha Dowladda dalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, tirada dadka Muslimiinta Reer Uganda waxaa lagu sheegaa inay 14% ka yihiin tirada guud ee dadka Ugandhes-ka ah.

Latest stories