HomeWararSawirro:-Ra'iisul Wasaare Kheyre oo ballan Qaaday Dhamaystirka Dastuurka

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ballan Qaaday Dhamaystirka Dastuurka

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta soo xiray shir Muqdisho uga socday Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista, ayaa sheegay dhamaystirka dastuurka iyo in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah. Kulanka uu Ra’iisul Wasaae Khayre soo xiray ayaa si […]

- Advertisement -

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta soo xiray shir Muqdisho uga socday Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista, ayaa sheegay dhamaystirka dastuurka iyo in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaae Khayre soo xiray ayaa si qota dheer looga hadlay horumarka laga gaaray dib-u-eegista Dastuurka iyo qorshaha lagu dhamaystirayo ee sannadkaan 2019.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista, uga mahadceliyay dib-u-eegista lagu sameeyay tobanka cutub ee ugu horreeya dastuurka, isaga oo ku dhiirri geliyay in dib-u-eegista cutubyada dhiman ay sida ugu dhaqsaha badan ugu guulaystaan.

Himilooyinka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay iyo halbeegyada la doonayo in sannadkaan lagu dhaqan geliyo ayaa waxaa qayb ka ah dhameystirka hannaanka dib-u-eegista iyo qabya tirka dastuurka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories