HomeCaalamkaSawirro:-Duqa Muqdisho oo la kulmay Saraakiil ka tirsan dowladda Holland

Sawirro:-Duqa Muqdisho oo la kulmay Saraakiil ka tirsan dowladda Holland

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisoow) ayaa Magaalada Amsterdam ee Caasimadda Holland kula kulmay Saraakiil kala duwan oo ka tirsan Dalkaas.

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn la kulmay ku-simaha Taliyaha Booliska Amsterdam Mr. A. W. (Pim) Jansonlus, isagoo kala hadlay sidii ay Gacan uga geysan lahaayeen qorshaha hirgelinta amniga Caasimadda, si looga faa’iideysto aqoonta ay u leeyihiin dhinacyada amniga.

- Advertisement -

Duqa Muqdisho, ayaa kala hadlay Saraakiil ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda Holland sidii ay ugu soo jeedsan lahaayeen arrimaha Soomaalya, gacana ku siiyaan Maamulka Gobolka Banaadir hirgelinta mashaariic horumarineed iyo xal-u-helidda arrmaha Barakacayaasha ku nool Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sidoo kale kulan muhiim ah la yeeshay Ururka Midowga Dawladaha Hoose ee Holland.

Dawladda Hoose ee Xamar iyo Dawladaha Hoose ee Holland ayaa isla gartay in la sameeyo xiriir iyo wada shaqayn joogto ah iyo sidii shaqaalaha Dawladda Hoose ee Xamar loo kordhin lahaa tayadooda aqoonta, si bulshada adeegyada aasaasiga ah loo gaarsiiyo.

- Advertisement -

Duqa Muqdisho ayaa wada olole ku aaddan sidii caalamka looga gadi lahaa in maalgashi lagu sameeyo Caasimadda, si dhalinyarada Soomaaliyeed u helaan shaqo abuur.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories