HomeCaalamkaRa’isul-wasaarihii hore ee dalka Pakistan oo laga mamnuucay inuu dalkaasi ka dhoofo.

Ra’isul-wasaarihii hore ee dalka Pakistan oo laga mamnuucay inuu dalkaasi ka dhoofo.

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

  Ra’isul-wasaarihii hore ee dalkaasi, Yuusuf Raza Jilaani ayaa la sheegay in laga mamnuucay inuu dibedda u safro,waxaana uu wajahi doonaa Dacwad la xiriira fal musuq oo malaayiin Dollar ah, sida ay sheegeen Warbaahinta gudaha ee Pakistan. Yuusuf Raza Jilaani oo xilka Ra’isul-wasaarenimo hayey sannadihii 2008-dii ilaa 2012-kii waxaa xalay laga hor joogsaday socdaal uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

 

Ra’isul-wasaarihii hore ee dalkaasi, Yuusuf Raza Jilaani ayaa la sheegay in laga mamnuucay inuu dibedda u safro,waxaana uu wajahi doonaa Dacwad la xiriira fal musuq oo malaayiin Dollar ah, sida ay sheegeen Warbaahinta gudaha ee Pakistan.

- Advertisement -

Yuusuf Raza Jilaani oo xilka Ra’isul-wasaarenimo hayey sannadihii 2008-dii ilaa 2012-kii waxaa xalay laga hor joogsaday socdaal uu ugu ambabixi lahaa dalka Koonfurta Kuurya.

Telefishinka Geo News  ayaa baahiyey inay Ciiddanka Ammaanka Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Lahoor xayireen Ra’isul-wasaarihii hore ee dalkaasi oo qorsheynayey inuu u dhoofo dalka Koonfurta Kuurya, si uu uga qeyb galo Shirweyne ka furmi doona caasimadda dalkaasi ee Siyool.

Magaca Yuusuf Raza Jilaani ayaa la sheegay in lagu qoray Liiska Siyaasiyiinta aan ka dhoofi karin dalka Pakistan, taasi oo micnaheedu yahay inuusan dibedda u dhoofi karin  isagoo aan Dowladda Pakistan ka haysanin Fasax.

- Advertisement -

Garsoore ka tirsan Maxkamadda Federalka ee La-dagaalanka Musuqa ee magaalladda Karaaji waxay sannadkii hore ku eedeysay Yuusuf Raza Jilaani iyo 25 Sraaakiil Dowladed inay ku takri-faleen Awoodda iyo inay ansixiyeen Taageero Maaliyadeed oo la been abuuray.

Yuusuf Raza Jilaani oo haatan ah Ku-xigeenka Guddoomiyaha Xisbiga Mucaardak Pakistan ee The Pakistan People Party (PPP) waxa uu horey u soo qabtay Xilka Afhayeenka Aqalka Hoose ee dalkaasi muddadii u dhexeysay sannadihii 1993-dii ilaa 1996-dii.

Waxa kale oo uu dhowr jeer soo noqday Wasiir Heer Federal.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts