HomeCaalamkaQM oo Shaacisay halka la geyn doono Soomaali u xiran Burcad-badeednimo

QM oo Shaacisay halka la geyn doono Soomaali u xiran Burcad-badeednimo

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Agaasimaha Guud ee Xafiiska QM ugu qaabilsan La-dagaalanka Daroogada iyo Dembiyadda (UNODC), Yuuri Fedeotoof ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu Golaha Ammaanka ee QM, xalay warbixin ka siinayey Dembiyadda Burcad-baddeeda iyo Dembiyadda ka dhaca Baddaha.

Waxa uu sheegay inay sii kordheen falalkaasi, isla markaana ay Khatar Calaami ah noqon karaan.

- Advertisement -

Yuuri Fedeotoof  waxa uu Warbixintaasi ku sheegay isagoo  Muuqaalka wada-sheekeysiga ee  Via Video Conference kaga qeyb galay Kulankaasi, isagoo ku sugan Xarunta Dhexe ee Hay’adda UNODC oo ku taalla caasimadda dalka AWISTERIYA ee Fiyeena.

Agaasimaha Guud ee Xafiiska QM ugu qaabilsan La-dagaalanka Daroogada iyo Dembiyadda (UNODC), Yuuri Fedeotoof  waxa uu sheegay inay ku guuleysteen in hoos loo dhigo falalkii Burcad-baddeeda ka qowleysaata Xeebaha Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay taageero ka geystaan dacwadaha loo haysto Burcad-baddeeda Soomaalida ku xiran dalalka Kenya iyo Sishilis, isla markaana ay rajeynayaan inay waqti dhow gudaheeda ay  DFS ku soo wareejiyaan Burcad-baddeedaasi.

- Advertisement -

Yuuri Fedeotoof  waxa kale oo intaasi ku daray in la dhamaystiray Wejiga Koowaad ee Dhismaha Xabsiga Dhexe ee Muqdisho iyo Dhismaha Maxkamadda la soo taagi doono Burcad-baddeeda laga so oqabto Xeebaha Somalia.

Latest stories