HomeCaalamkaDhalinyaro Soomaali si qarsoodi ah qaad la qalajiyey ku gelinayay Hindiya oo...

Dhalinyaro Soomaali si qarsoodi ah qaad la qalajiyey ku gelinayay Hindiya oo la xiray

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

3 Dhallinyaro Soomaali oo qaxooti ahaan ugu noolaa dalka Hindiya ayaa la sheegay in lagu qabtay shixnad Qaad la shiiday oo ku bacaysnaa Bacaha Caleenta Shaaha. Hadal ka soo baxay Waaxda Canshuuraha ee Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Caasimadda dalka Hindiya ee New Delhi ayaa lagu sheegay in Shixnadaasi laga keenay dalka Ethiopia, isla markaana […]

- Advertisement -

3 Dhallinyaro Soomaali oo qaxooti ahaan ugu noolaa dalka Hindiya ayaa la sheegay in lagu qabtay shixnad Qaad la shiiday oo ku bacaysnaa Bacaha Caleenta Shaaha.

Hadal ka soo baxay Waaxda Canshuuraha ee Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Caasimadda dalka Hindiya ee New Delhi ayaa lagu sheegay in Shixnadaasi laga keenay dalka Ethiopia, isla markaana la doonayey in lagu iibiyo gudaha dalkaasi oo mamnuuc ka ah Qaadka.

- Advertisement -

Sidoo kale, nin u dhashay oo shaqaale ka ah Qeybta Xamuulka ee Garoonka New Delhi ayaa isagana la xiray, isagoo lagu eedeeyey inuu dhallinyarada Soomaalida u fududeynayey Waraaqaha qeybta  Canshuuraha ee Garoonka.

Mid ka mid  Labada Dhallinyarada Soomaalida waxaa la sheegay inay Ciiddanka ka so oqabteen Koonfurat magaalladda New Delhi, halka mid kalena laga soo qabtay baar ku yaalla Deegaanka HAWS RAANI ee magaalladda New Delhi.

, Qaadka la sheegay in lagu qabtay 2 Dhallinyaro  oo Soomaali oo qaxooti ku ah dalka Hindiya waxaa uu culayskiisa dhamaa 600 oo Kiilogaram, wuxuuna qiimaha Suuqa Madow ee  dalkaasi ka jooga lacag u dhiganto labo million labo boqol iyo soddon iyo saddex kun iyo 680 Dollar.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Maxkamadda New Delhi waxay amartay in saddexda Eedeysane lagu sii hayo Xabsiga muddo 14 maalmood, si ay Boliska u soo dhamaystiraan baaritaanka Kiiskaasi.

Latest stories