HomeMaqalDhageyso:- Madaxweyne Waare” Go’aanka Ciidamada Burundi looga saarayo Hir-Shabeelle waa mid la...

Dhageyso:- Madaxweyne Waare” Go’aanka Ciidamada Burundi looga saarayo Hir-Shabeelle waa mid la siyaasadeeyay”

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa walaac xoogan waxa uu ka muujiyay ka bixitaanka Ciidamada Burundi oo ka mid ah howlgalka AMISOM ee deegaanada maamulkaas. Madaxweyne Waare ayaa sheegay in Go’aanka 1,000 askari oo ka mid ah Ciidamada Burundi ee ku sugan hir-Shabeelle looga saarayo uu yahay mid kaliya ay gaareen AMISOM iyo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa walaac xoogan waxa uu ka muujiyay ka bixitaanka Ciidamada Burundi oo ka mid ah howlgalka AMISOM ee deegaanada maamulkaas.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in Go’aanka 1,000 askari oo ka mid ah Ciidamada Burundi ee ku sugan hir-Shabeelle looga saarayo uu yahay mid kaliya ay gaareen AMISOM iyo UN-ka,sidoo kalena usan aheyn mid lagala tashaday Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamulka hir-Shabeelle.

- Advertisement -

Isaga oo wareysi siinayay mid ka mid ah Tv-yada ku hadla Afka Soomaaliga ayuu sheegay in la siyaasadeeyay bixitaanka Soomaaliya 1,000 askari ee Ciidamada Burundi,isla markaana Taliskooda hir-Shabeelle kaliya lagu soo koobay balse ay aheyd in Maamul goboleedyada kale laga soo kala aruuriyay loona qeybiyo 1,000 askari.

“Runtii bixitaanka ciidamada Burundi ee Hir-Shabeelle waa walaaca ugu weyn aan qabno,waana mid siyaasadeed,waayo Taliska 5aad ee hir-Shabeelle kaliya ayaa laga qaadayaa Kunkaas laakin looma qeybin maamulada kale,Hir-Shabeelle 200 oo askari kaliya ayaa uga soo aadi lahaa ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Waxa uu sheegay isaga oo sii hadlayay in ay isku-dayeen inay talo ku yeeshaan go’ankaas laakin aan wax natiijo ah kasoo bixin balse kaliya ay wada gaareen AMISOM iyo hay’adaha taageera,waxana uu geba-gabadii sheegay inay hadda qorsheynayaan inay ka digtoonaadaan saameynta ay bixitaankaas Hir-Shabeelle ku yeelan laheyd,isla markaana ay isku tashanayaan.

- Advertisement -

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Hir-Shabeelle.

Latest stories