HomeWararSawirro:-Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Sagootiyay Amb. David Concar

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Sagootiyay Amb. David Concar

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulan sagootin ah Muqdisho kula yeeshay safiirkii Ingiriiska ee Soomaaliya, David Concar oo dhamaystay xilli howleedkiisii Soomaaliya. Safiirka xilli hawleedkiisu dhammaaday ee Ingiriiska u qaabishanaa Soomaaliya, David Concar, ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre iyo guud ahaan madaxda dalka uga mahadceliyay hannaanka wanaagsan ee ay ula […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulan sagootin ah Muqdisho kula yeeshay safiirkii Ingiriiska ee Soomaaliya, David Concar oo dhamaystay xilli howleedkiisii Soomaaliya.

Safiirka xilli hawleedkiisu dhammaaday ee Ingiriiska u qaabishanaa Soomaaliya, David Concar, ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre iyo guud ahaan madaxda dalka uga mahadceliyay hannaanka wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen intii uu ahaa safiirka iyo sida sharafta badan ee loo sagootiyay.

- Advertisement -

“Waxa aan kulan sagootin ah maanta Muqdisho ugu sameeyey danjire David Concar oo dhamaystay xilligii shaqo ee dalkeenna.”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre oo safiirka uga mahadceliyay shaqadii wanaagsanayd ee dawladda Soomaaliya uu la qabtay xilligii uu dalka ka shaqaynayay, ayaa guddoonsiiyay haddiyado guddoonsiiyay safiir David Concar.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ethiopia ee Soomaaliya, jamaamulidiin Mustafa Cumar  iyo Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya, Olgan Bakar.

- Advertisement -

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories