HomeWararDowladda Britain iyo Shirkadda SKA oo ka hadlay Muwaadinka Britain ee ku...

Dowladda Britain iyo Shirkadda SKA oo ka hadlay Muwaadinka Britain ee ku xiran Muqdisho

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

 

 

- Advertisement -

Afhayeenad u hadashay Xafiiska Arrimaha Dibedda ee dalka Britain  ayaa xaqiijisya inay xiriir la sameeyeen Qoyska Ninka Britishka ee ku xiran Muqdisho, kaasi oo lagu magacaabo Antooni Tomaas.

 

Afhayeenadda oo la hadashay Wargeyska The Sun ee ka soo baxa magaalladda London waxay xustay inay si dhow ula socdaan xaalladiisa.

- Advertisement -

Antooni Toomaas oo 48 jir ah waxaa dhawaan lagu dhaawacday Maxaabiis ka tirsan Kooxda Daacish oo ku xiran Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.

Warar ayaa sheegaya in Sarkaalkaasi u dhashay Britain sababo dhinaca Ammaanka loogu soo wareejiyey Xabsi ku dhex yaalla Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen Ilo dhinaca Ammaanka.

Dhinaca kale, Shirkadda SKA International ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo horey gacanta ugu haysay  Garoonka Aadan Cadde ayaa xaqiijisay inuu Sarkaalkaasi horey uga tirsanaa Shaqaalahooda dhinaca Ammaanka, balse uu shaqada ka tegay bishii hore ee Janaayo 5-da, oo ku beegan 2 isbuuc ka hor inta aan Sarkaalkaasi, Antoni Tomaas lagu xirin Garoonka Aadan Cadde.

Saraakiisha Hay’addaha Ammaanka ayaa sheegay inuu Ninkaasi watay qalab khatar gelin kara Deganaanshaha Guud, waxaana xilligii la qabanayey doonayey inuu raaco Diyaaradda Ethiopian Airlines oo duullimaadkeedu ku sii jeeday caasimadda dalkaasi ee Addis Abeba.

Si kastaba ha ahaatee, ma kala cadda in Sarkaalkaas haysta dhalashadda dalalka Britain iyo Faransiiska ayaan la ogeyn in mar kale la soo maxkamadayn doono iyo in sababo dhinaca Diplomaasiyadda loo cafin doono.

Latest stories