HomeCaalamkaSoomaaliya kaalintee ayey ka gashay dalalka ugu musuqa badan Caalamka?

Soomaaliya kaalintee ayey ka gashay dalalka ugu musuqa badan Caalamka?

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Hay’adda Caalamiga ee  Hufnaanta Sugan ee La-dagaalanka Musuqa  “Transparency International” oo ay Xarunteeda Dhexe ku taallo magaalladda Berlin ee dalka Jarmalka waxay maanta soo saartay Qiimeynta iyo Kala-horreynta Dowladaha Caalamka ee Heerka Dimuqraadiyadda iyo La-dagaalanka Musuqa. Warbixinta waxaa lagu xusay inay weli sii socdaan fashilka dalalka badan ee Kontorool la’aanta Musuqa ee sababayo Xiisadaha Dimuqraadiyadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hay’adda Caalamiga ee  Hufnaanta Sugan ee La-dagaalanka Musuqa  “Transparency International” oo ay Xarunteeda Dhexe ku taallo magaalladda Berlin ee dalka Jarmalka waxay maanta soo saartay Qiimeynta iyo Kala-horreynta Dowladaha Caalamka ee Heerka Dimuqraadiyadda iyo La-dagaalanka Musuqa.

Warbixinta waxaa lagu xusay inay weli sii socdaan fashilka dalalka badan ee Kontorool la’aanta Musuqa ee sababayo Xiisadaha Dimuqraadiyadda ee Caalamka.

- Advertisement -

Agaasimaha Maareynta ee Hay’adda Caalamiga ee Transparency International waxay sheegtay inay doonayaan inay wax badan ka sameeyaan xoojinta Hubka iyo Isku-dheelitirka iyo badbaadinta Xuquuqda Muwaadiniinta ee dalalka Caalamka.

Waxay kaloo sheegtay inay Musuqa hood u dhigayaan Hay’addaha Dimuqraadiga, kana dhigayaan Hay’addo tabar daran oo aan awoodi karin inay kontoroolaan falalka Musuqmaasaqa.

Dhinaca kale, Qiimeynta Hufnaanta Sugan ee La-dagaalanka Musuqa ee Hay’adda Caalamiga ee Transparency International waxaa lagu soo bandhigay Kala-horreynta Guud ee 180-dal waxaasannadkii la soo dhaafay ee 2018-kii .

- Advertisement -

Dalalka Denmark iyo New Zealand waxay kaalinta sare ka galeen Qiimeynta dalalka nadiifka ka ah Mususq-maasaqa.

Sidoo kale,. Qiimeynta Hay’adda Caalamiga ee Transparency International waxaa lagu xusay inay dalalka Somalia, Koonfurta Suudaan iyo Syria ay meesha ugu hooseysa kaga jiraan dalalka loo aqoonsaday inay ka jiraan Musuqa ugu badan dalalka Caalamka.

Si kastaba ha ahaatee, Qiimeynta Hay’adda Caalamiga ee Transparency International ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo ay DFS  sheegtay inay galangal xooggan ugu jiraan La-dagaalanka Musuqa, balse uu dalkeennu weli kaalinta ugu hooseysa kaga jiro Qiimeynta Caalamiga ee La-dagaalanka Musuqa.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts