HomeCaalamkaMaxkamadeynta dhalinyaro Kenyan lala xiriirinayo Al-Shabaab oo dib loo dhigay

Maxkamadeynta dhalinyaro Kenyan lala xiriirinayo Al-Shabaab oo dib loo dhigay

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Maxkamadda Degmadda Kawaale ee dalkaasi waxaa maanta la hor geeyey 17 Dhallinyaro Kenyan la sheegay inay qorsheynayeen inay u soo socdaalaan Somalia, si ay ugu  biiraan Al-Shabaab. Dhallinyaradaasi waxay beeniyeen Eedeymihii lagu soo oogay, iyagoo Garsoorka Maxkamadda u sheegay in la soo qabtay xilli ay  ka shaqeynayeen Ganacsiga Shirkad diiwaan-gashan. Garsoorihii Maxkamadda ayaa la sheegay […]

- Advertisement -

Maxkamadda Degmadda Kawaale ee dalkaasi waxaa maanta la hor geeyey 17 Dhallinyaro Kenyan la sheegay inay qorsheynayeen inay u soo socdaalaan Somalia, si ay ugu  biiraan Al-Shabaab.

Dhallinyaradaasi waxay beeniyeen Eedeymihii lagu soo oogay, iyagoo Garsoorka Maxkamadda u sheegay in la soo qabtay xilli ay  ka shaqeynayeen Ganacsiga Shirkad diiwaan-gashan.

- Advertisement -

Garsoorihii Maxkamadda ayaa la sheegay inuu Boliska u fasaxay inay Eedeysanayaasha ku sii hayaan Xabsiga, inta ay ka soo dhamaystirayaan Kiiskooda.

Dhinaca kale, Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi  waxa uu qoray Dhallinyaradaasi oo ay da’dooda u dhexeyso 18-jir ilaa 27 jir ah maalintii Axadda ee isbuucan  laga soo qabtay Degmadda Sambuuru ee dalkaasi, isla markaana ay ugu shakisan yihiin inay ku biiri lahaayeen Alshabaab, waa sida hadalka loo dhigay.

Dhinaca kale, Maxkamad ku taalla Nairobi ayaa la sheegay in maanta la soo taagi doono  5 Eedeysane oo sida la sheegay lala xiriirinayo weerarkii sannaadkii 2015-kii ay Alshabaab ku qaadeen  Jamaacadda Garissa ee W/bari Kenya.

Latest stories